Jose Mourinho Oo Siddeed Ciyaartoy Ka Caydhiyey Tababarkii U Horreeyey

Jose Mourinho ayaaan wax waqti ah iska lumin, waxaanu durba bilaabay shaqo degdeg ah isla maalintiisii ugu horreysay ee uu tababarka u bilaabay.

Tababaraha reer Portugal ayaa loo mgacaabay Roma ka hor intii aanu dhamaanin xilli ciyaareedku, waxyar kaddib markii ay Tottenham shaqada ka caydhisay isagoo keenay finalka Carabao Cup, isla markaana sugaya in uu kulankaas hoggaamiyo, koobkana u dagaallamo.

Spurs ayaa sugi kari weyday inta uu xilli ciyaareedka dhamaysanayo maadaama ay kooxdu ku jirtay kaalinta toddobaad, laakiin waqti badan kuma qaadanin in uu helo shaqo.

Mourinho ayaa usbuucii hore gaadhay magaalada Rome oo si diirran loogu soo dhoweeyey, waxaanu tababarkiisii ugu horreeyey ee shalay u sheegtay siddeed ciyaartoy oo kooxda ah, in aanay ku jirin qorshihiisa, isagoo xataa aan u ogolaanin in ay tababrka la qaateen kooxda koowaad.

Xiddigaha uu Mourinho u sheegay inay raadsadaan kooxo ay u ciyaaraan ayaa waxa ku jira weeraryahanka da’da yar ee Justin Kluivert ee uu dhalay halyeygii reer Netherlands ee Patrick Kluivert, laacibkii hore ee Barcelona iyo Chelsea ee Pedo iyo dersin kale oo uu saluugsan yahay qaab ciyaareedkooda.

Laacibka khadka dhexe ee reer France ee Steven Nzonzi, Davide Santon, Ante Coric, Federico Fazio iyo Robin Olsen ayaa iyaguna ku jira liiska ciyaartoyda aan ku jirin qorshaha Mourinho.

Special One waxa uu doonayaa in uu beddelka ciyaartoydan lasoo saxeexdo laacibka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Granit Xhaka iyo goolhayaha Wolves iyo xulka Portugal ee Rui Patricio.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More