James Milner Oo Shaaciyey In Uu Kasoo Horjeedo Tartanka Super League

Kabtan ku-xigeenka kooxda kubadda cagta Liverpool ee James Milner ayaa shaaciyey in uu kasoo horjeedo qorshaha iyo tartanka cusub ee ay Liverpool qaybta ka tahay ee European Super League, kaas oo ay 12 kooxood oo waaweyn isku waafaqeen in ay samaystaan.

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Liverpool barbarraha 1-1 la gashay Leeds United xalay, James Milner ayaa warbaahinta hor-yimid, waxaanu soo bandhigay dareenkiisa dhabta ah ee ah in aanu ku faraxsanayn in kooxdiisu qayb ka noqoto tartankan.

Lixda kooxood ee waaweyn ee Ingiriiska ee Liverpool, Arsenal, Chelsea, Man City, Man United iyo Tottenham ayaa ka mid noqtay 12 kooxood oo waaweyn oo ay sidoo kale ku jiraan Real Madrid, Barcelona iyo Juventus oo samaystay horyaalka cusub ee Super League, waxaase qorshahani uu la kulmay mucaaradad badan oo ka timid xidhiidhada UEFA, FIFA, falanqeeyeyaasha ciyaaraha iyo ciyaaartoyda qaarkood.

Tababare Jurgen Klopp ayaa isaguna qirtay in aanu doonayn in tartankani hir-galo, laakiin markii xalay ay soo dhamaatay ciyaartii Liverpool iyo Leeds United, waxa si caddaan ah warbaahinta ula hadlay James Milner oo shaaciyey in uu kasoo horjeedo hirgelinta tartankan.

Isagoo u warramayay telefishanka Sky Sports ayuu yidhi: “Si la mid ah qof kasta oo kale, dhab ahaantii waxa uu ahaa jab, waxaanay ahayd markii u horreysay ee aanu maqalno.

“Si la mid ah qof kasta oo kale, waxa jira su’aalo badan. Aniga fikirkayga, kama helin, waxaanan rajaynayaa in aanay dhicin.”

James Milner waxa kale oo uu sheegay in aanay ciyaartoydu ka wada hadal arrintan ayna dareenkooda siinayeen ciyaartan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More