HORDHAC: Chelsea vs Sheffield United – Tuchel Oo

Kooxda qaab ciyaareedka iyo wakhtiga fiican ku naaloonaysa ee uu hoggaanka u yahay tababare Thomas Tuchel ee Chelsea ayaa galabta gegida Stamford Bridge kusoo dhawaynaysa dhigeeda ugu hooseysa Premier League ee Sheffield United kulan FA Cup ah.

- Advertisement -

Tuchel ayaa wali guuldarro la’aan ah 13 kulan oo uu Chelsea hoggaamiyay ilaa hadda halka tababare bedelistii ay Sheffield samaysay ay qaabkii ugu xumaa ku bilaabantay kulankii ugu horreeyay oo ay guuldarro 5-0 ah kala soo kulmeen Leicester City.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Tuchel ayaa la filayaa inuu isbedelo ku sameeyo shaxdii uu guusha kaga soo gaadhay Atletico Madrid isla markaana uu kusoo bilaabo xiddigo ay kamid yihiin Mason Mount iyo Jorginho oo labaduba ganaax ku seegay ciyaartaas.

Chelsea ayuu markale ka maqnaan doonaa daafaca dhexe ee Thiago Silva iyo waliba xiddiga xilli ciyaareedkan ugu goolasha badan FA Cup ee Tammy Abraham oo labaduba dhaawacyo ku maqan balse Andreas Christensen ayaa la filayaa inuu soo laabto.

Emerson Palmieri iyo Ben Chilwell ayaa ku tartami doona midka booska daafaca dhexe kusoo bilaabanaya, Christian Pulisic, Callum Hudson Odoi, Billy Gilmour, Olivier Giroud iyo Kepa Arrizabalaga ayaa dhamaantood la filayaa inay kusoo bilawdaan.

Sheffield ayaa la filayaa inay shaxda ugu adag ee ay haysato kusoo shirtagi doonto kulankan maadaama FA Cup uu yahay rajada kaliya ee ay qabaan.

Phil Jagielka ayaa shaki ku jiraa inuu kulankan ciyaarayo kaddib geeridii ku timid walaalkii toddobaadkan, xiddiga Chelsea amaahda kaga maqan ee Ethan Ampadu ayaan awoodin inuu kahor tago kooxdiisa rasmiga ah, John Egan, Jack O’Connnell iyo Jack Robinson ayaa dhamaantood dhaawacyo ku maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Christensen, Zouma; Hudson-Odoi, Jorginho, Gilmour, Chilwell; Pulisic, Giroud, Mount

Sheffield United: Ramsdale; Basham, Bryan, Stevens; Baldock, Lundstram, Norwood, Fleck, Lowe; McGoldrick, Sharp

XOGTA KULANKA

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 4:30 galabinimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Stamford Bridge

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More