Chelsea Oo Xooga Saaraysa Saxeexa Weeraryahan
Kooxda Chelsea ayaa u muuqata mid suuqa xagaaga ee soo socda isku dayi doonta inay la saxeexato weeraryahan cusub iyadoo la xusay saddex ciyaaryahan oo ay u aragto kuwo ay ka dhex xulan doonto midka booskaas u buuxinaya.
- Advertisement -
Tuchel ayaa dhammaadkii bishii January yimid gegida Stamford Bridge iyadoo ay taageerayaasha kooxdiisu yihiin kuwo si adag ugu kala qaybsan shaqo ka caydhintii Frank Lampard oo halyeey ka ahaa kooxdooda.
Tuchel ayaa sameeyay saamayn deg-deg ah isaga oo xasiliyay daafacii Chelsea isla markaana u muuqda mid soo bandhigaya hibada uu leeyahay safkii uu wax muuqda ku qaban kari waayay Lampard.
Xaalada ayaa noqotay mid sidii hore aad uga duwan tan iyo magacaabistii Tuchel ee Chelsea iyadoo aan kooxdaasi wax guuldarro ah la kulmin 13 kulan oo uu hoggaamiyay.
Wali Chelsea ayaa wax tabaysa waana doorka gool dhaliye dilaa ah oo ku tartami kara abaalmarinta kabta dahabka ah ee Premier League maadaama oo uu Timo Werner oo ay sanadkii hore lasoo wareegtay u muuqdo mid aan awoodaas lahayn.
Walow ay wali Blues rajo ka qabaan in Thomas uu qaab ciyaareed fiican kasoo saari doono ninka ay isku dalka yihiin haddana samirka ayaa ah mid kasii dhammaanaya.
Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa magacyada saddex weeraryahan oo uu wargeyska Sportsmail u arko kuwa ay mid ahaan Chelsea gacanta kusoo dhigi doonto.
Erling Braut Haaland
Midkan ayaan ahayn wax layaab ah, koox kasta oo dunida ah ayaa Haaland doonaysa hadda, Dortmund ayaa marka hore rajaynaysa in Haaland uusan bixi doonin xilli ciyaareedka dambe kahor balse xagaagan ayay hadda u muuqataa mid u furan inay iibiso. Chelsea ayaa saxeexiisa tartan adag kula kulmi doonta.
Sergio Kun Aguero
Haddiiba uu Haaland doorto Man City ayuu Aguero hubaal qaab xor ah kaga tagi doonaa xagaaga, Aguero ayaa xilli ciyaareedkan dhaawacyo kusoo dhibtooday balse loo arkaa mid kamida weeraryahanada ugu fiican kubadda cagta, ma jiro weeraryahan hadda uga aqoon badan Aguero Premier League haddii uu taam ahaado isla markaana uu caawimo weerarka ah helo hubaal goolashu way iman doonaan.
Danny Ings
Kaddib markii uu iskaga tagay Liverpool day yar ayaa filayay inuu saamayn intaas leeg ku yeesho Premier League balse ku biiristiisii Southampton ayaa ahayd kaliya faa’ido, Ings ayaa xilli ciyaareedkan 8 gool iyo laba caawimo kusoo sameeyay 22 kulan oo horyaalka ah halka uu xilli ciyaareedkii hore 22 gool kasoo diiwaan gashaday isla horyaalka.