Hazard Iyo De Bruyne Oo Dhaawacmay, Fursaddii Eden Oo Soo Dhamaatay &

Xulka qaranka Belgium ayuu walaac soo food saaray, kaddib markii ay ka dhaawacmeen Kevin de Bruyne iyo Eden Hazard oo laga saaray ciyaartii xalay ay 1-0 kaga badiyeen Portugal.

- Advertisement -

De Bruyne ayaa kuraanta ka dhaawacmay dhamaadka qaybtii hore, waxaana saddex daqiiqadood markii ay socotay qaybta labaad lagu beddelay Dries Mertens. Laacibkan ayaa waxa qalad xun ku galay Joao Palhinha, waxaana la arkayay isagoo kuraanta lagaga xidhay baraf.

Eden Hazard ayaa isaguna dalbaday in la beddelo saddex daqiiqadood ka hor dhamaadka ciyaarta iyadoo uu kusoo booday dhaawac muruqa bowdada ee dambe ah.

Labada ciyaartoy oo fure u ahaa guushii ay ka gaadheen Portugal, ayay xaaladdoodu sii kala daran tahay, waxaana rajo la’aan ah Eden Hazard oo u muuqda inuu tartanka macasalaameeyey, halka Kevin de Bruyne ay dhakhaatiirta Belgium war kasoo saari doonaan haddii uu soo laaban karayo kulanka Talyaaniga ama kaddib haddii ay kusii jiraan tartanka.

Tababaraha xulka Belgium ee Roberto Martinez ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku qaadan doonto illaa 48 saacadood in ay ogaadaan inta uu le’eg yahay dhaawaca soo gaadhay xiddigihiisu, waxaanu ka dayriyey De Bruyne oo uu tibaaxay in dhaawaciisu aad u xun yahay.

Roberto Martinez ayaa yidhi: “Waxa aanu u baahanaynaa 48 saacadood si aanu u ogaano inta uu le’eg yahay dhaawacu. Kevin De Bruyne wuxuu ka dhaawacmay kuraanta, dhab ahaantiina wuu xumaa, daaweyna ka aanaan helin qaybta caafimaadka.

“Eden Hazard muruqa ayay u badan tahay. Caawa [xalay] waxa aanu ku laabanaynaa Belgium, berrina [maanta] waxa laga qaadayaa sawirro.”

Dhinaca kale, Eden Hazard ayaa wariyeyaasha la hadlay ciyaarta kaddib, waxaanu muujiyey in rajo la’aan uu ka yahay tartanka Euro, balse wuxuu ballan-qaaday inuu lasii joogi doono xulka oo aanu ka tegaynin.

“Aniga ayaa is-dhaawacay, waxa aan wax ka dareemay muruqa dambe ee bowdada. Waxay ila tahay in at wax jiraan, balse berri [maanta] ayaynu arki doonaa.” Ayuu yidhi Eden Hazard..

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku daray: “Kabtan ahaan, waan la joogi doonaa kooxda [xataa isaga oo dhaawacan], sababtoo ah door muhiim ah ayaan ugu jiraa.”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More