Didier Deschamps Oo Sharraxay Sababta Paul Pogba Sida Cajiibka Ah Ugu
Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa sharraxaad ka bixiyey bandhigga cajiibka ah ee Paul Pogba ka samaynayo tartanka qaramada Yurub, xilli ay isku diiyaarinayaan kulanka wareegga 16ka ay caawa kula ballansan yihiin Switzerland.
- Advertisement -
Taageereyaasha Manchester United ayaa indhahooda ku arkay xiddigii ay dhalliili jireen oo wacdaro ka dhigaya Euro, una muuqda ciyaartoy ka beddelan midkii ay yaqaaneen.
Paul Pogba ayaa ah ciyaartoyga ugu fiican xulka qaranka France intii ay kusoo jireen tartanka, sida ay muujinayaan xogaha laga ururiyey kulamadaas, waxaanu ahaa mishiinkii dalkiisa waday kulankii Germany, halka ciyaartii Portugal uu ka shaqeeyey goolkii uu Karim Benzema dhaliyey iyo rikoodhihii lagu galay Mbappe oo uu kubadda u tuuray.
Tababare Deschamps ayaa amaanay Pogba, waxaanu ku tilmaamay ‘khad dhexe oo dhamaystiran’.
Deschamps oo warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi: “Paul waa khad dhexe oo dhamaystiran. Wuxuu leeyahay tayada uu kubadda ku baasi karayo, waa qayb ka mid ah ciyaartiisa. Waa in aad lahaato dhaqaaqa saxda ah.”
Intaas kaddib waxa uu Deschamps sharraxay sirta ka dambaysa bandhigga cajiibka ah ee Pogba, waxaanu sheegay in uu siiyey xorriyad uu garoonka dhexdiisa hadba meesha uu doono ku tago.
“Wuxuu haystaa xorriyad [marba meesha uu doono ku tegayo]. Kuma xaddidna khadka dhexe uun, booskiisa wuu beddeli karayaa waxay ku xidhan tahay goobaynta iyo dhaqdhaqaaqa ciyaartoyda kale.”