GO’AAN: Thomas Tuchel Oo Go’aamiyay Haddii Uu Real Madrid Ka Iibinayo

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan buuxa ku gaadhay inuusan weeraryahanka kooxdiisa ee Timo Werner u ogolaan inuu baxo suuqa xagaaga sanadkan 2021.

Werner ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday la kulmay cadaadis weyn iyo eedaymo joogto ah kaddib markii uu ku fashilmay inuu gaadho heerkii ay dad badani ka rajaynayeen markii ay Blues 47 Milyan oo pound kagala soo wareegeen RB Leipzig.

Guud ahaan Timo ayaa 12 gool usoo dhaliyay Chelsea halka uu 15 kale caawiye uga soo ahaa tartamada oo dhan isaga oo kasoo caawiyay ku dhammaysiga afarta sarre iyo ku guuleysiga UEFA Champions League.

Arrinta wer-werka gelisay Chelsea iyo jamaahiirteeda ayaa ahayd kalsooni xumada haysatay Timo iyo inuusan goolka hortiisa degenaansho ku haysan.

25 sano jirkaas ayaa kaddib kaliya hal xilli ciyaareed oo uu ku qaatay Stamford Bridge lala xidhiidhinayaa inuu ka bixi doono maadaama la hadal hayo in Chelsea ay u dhaqaaqi karto Erling Haaland ama Harry Kane mid ahaan.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, tababaraha dhawaan galka ah ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa u doortay Timo bar-tilmaameed suuqan uu ka leeyahay.

Dhawaan ayay ahayd markii Werner oo ka hadlaya qaabka aan fiicnayn ee uu ku bilawday nolosha Chelsea uu waxa arrimaha kusii xumeeyay ku sheegay aalada garsoore caawiyaha ah ee VAR oo goolal badan ka diiday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More