HESHIIS DHAN: Xiddigii Chelsea Ee Tuchel Macasalaameeyey Oo Ka Degay

Thomas Tuchel ayaa shalay macasalaameeyey weeraryahanka kooxdiisa ee Olivier Giroud oo sidii aanu wararkii hore idiinku sheegnay shandaddiisa xidh-xidhay kuna sii jeeda horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Kooxaha Chelsea iyo AC Milan ayaa xalay gaadhay heshiis ay ku kala iibsanayaan gool-dhaliyaha reer France, waxaana sidaas kusoo afjarmaya waayihii Olivier Giroud ee Stamford Bridge.

Milan ayaa bixinaysa €2 milyan oo Euro oo ay ku iibsanayso laacibkan, iyadoo Chelsea hore u sheegtay in ay u baahan tahay in laacibkan ay ku darto liiska iibka balse aanu bilaash kaga tegi doonin maadaama uu hal sano oo heshiis ah haysto.

Sky Italia iyo warbaahinta kale ee ciyaaraha ayaa xilli dambe oo xalay ah shaaciyey in heshiis dhexmaray labada kooxood, isla markaana ay Chelsea ogolaatay dalabka AC Milan ee €2-da milyan ee Euro ah, kuwaas oo midkood lagu bixinayo qaddin, kan kalena uu ahaanayo mid lagu xidhayo bandhiggiisa.

Olivier Giroud ayaa qalinka ku duugaya heshiis laba sannadood ah oo uu sannadkiiba mushahar ahaan u qaadan doono €3.5 milyan oo Euro oo aanay canshuur la soconin.

Toddobaadka soo socda ayaa uu Giroud u safri doonaa magaalada Milan ee waddanka Talyaaniga, waxaanu tijaabada caafimaadka mari doonaa Isniinta.

Laacibkan ayaa filayay in heshiiska la dhamaystiro ka hor intii aanu bilaabmin tartanka qaramada Yurub, laakiin Chelsea ayaa cusboonaysiisay heshiiskiisa maadaama qandaraaskii hore uu siinayay Blues in hal sano ay ku kordhin karto waqtigiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More