GO’AAN: Griezmann Oo Go’aansaday Waqtiga Uu Ka Tegayo Barcelona &

Weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa Barcelona, waxaanu mar horeba sii qabsaday waqtiga uu ka tegayo kooxda reer Spain iyo naadiga cusub ee uu slahdigan doono.

Griezmann oo sannadkii 2019 ay Barcelona kasoo iibsatay Atletico Madrid ayaan wali sidii la filayay ula qabsanin qaab ciyaareedka Barcelona, waxaana uu la kulmayaa dhalleecayn badan.

Laakiin waqtigan oo uu ku maqan yahay xulka qarankiisa ayaa uu u muuqanayaa inuu ka nafisay culayskii saxaafadda Spain oo uu bandhig fiican oo ka sarreeya midkiisii Barcelona l imanayo.

30 jirkan ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay, in Barcelona uu ka tegi doono go’aankana uu waqti horeba gaadhay, waxaanu yidhi: “Wali saddex sannadood ayaa ii hadhay [Heshiiskiisii Barcelona]. Waa in aan dareenkayga iskugu geeyo taam ahaanshaha jidhkayga, sababtoo ah waqti kasta ayuu isbeddel dhici karayaa.

“Heshiiskayga Barcelona waxa uu soconayaa illaa June 2024, intaa wixii ka dambeeyana waxay noqon doontaa waqtigii ugu habboonaa ee aan ka tegi lahaa, waxaanan aadayaa Maraykanka.”

Griezmann waxa kale oo uu sharraxay waxa uu ku jeclaaday waddanka Maraykanka, waxaanu yidhi: “Waan jecelahay waddankan, dhaqankiisa, NBA-da iyo socdaalka oo i xiise geliya, ina soo jiita, laakiin waxa aan sidoo kale leeyahay qoys ay tahay inaan halkaas u raro.

“Waxa aan jeclaan lahaa in aan xirfaddayda kusoo gabogabeeyo halkaa, waanay igu filan tahay garoon ahaan iyo inaan ku guuleysto horyaalka MLS.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More