Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday ciyaartoy dhaawacan

Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday in kooxda chelsea ay waayi doonaan 3 xiddig oo muhiim ah kulanka todobaadka dambe ee ay la ciyaari doonaan kooxda Arsenal.

Chelsea ayaa ku martigelin doonta Stamford Bridge maalinta Boxing Day, guul ay gaarto ayaa ka caawin doonta inay lix dhibcood ka hooseeyaan kooxda hogaanka haysa ee Liverpool.

Laakiin Arsenal wax guul ah ma gaarin sideedii kulan ee ugu dambeysay, shan waa laga badiyay, seddexna bar baro.

Tababare Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay dhaawac kaga maqnaan doonaan 3 xiddig oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hakim Ziyech, Ben Chilwell iyo Reece James.

Ziyech, oo ay Chelsea ku iibsatay 33.4 milyan ginni intii lagu jiray xagaagii, markii ugu dambeysay ee uu ciyaaro kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Leeds United horaantii bishaan.

Xiddiga reer Morocco ayaa ku dhacay jahwareer inkasta oo uu door muhiim ah ka ciyaaray goolkii barbaraha ee Olivier Giroud, Lampard ayaa yidhi: “Maya, Hakim kuma habboona doono Arsenal.

“Waxa uu qabay dhaawac jilibka ah bilowgii xilli ciyaareedka haatanna waxa uu qabaa dhaawac jilibka ah, sidaas darteed waa inaan sugnaa ilaa uu ka soo kabanayo. Ma ahan waqti dheer in aan walwalno, waxaana rajeyneynaa inaan dib u helno isbuuca soo socda”.

Frank Lampard ayaa qirtay in hal abuurnimada Ziyech ay lumiyeen kooxaha Everton, Wolves iyo West Ham.

Hakim Ziyech ka sokow, Chelsea sidoo kale waxaa ka maqnaan doona Ben Chilwell iyo Reece James, sida uu xaqiijiyay Lampard: “Labadooduba waa shaki badan yihiin mana hubno inay ku habboonaan doonaan labada kulan (Arsenal iyo Aston Villa).”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More