“F*** Off” – Tuchel Oo Caayay Tababaraha FC Porto, Pepe Oo Dirqi Lagu

Tababaraha kooxda Fc Porto ee Sergio Conceicao ayaa shaaca ka qaaday in dhigiisa kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ee uu kala kulmay aflagaado kaddib markii ay dhammaatay ciyaartii ay xalay kooxda ree London ugu gudubtay wareega afar dhammaadka Champions League.

Tababaraha Portuguese-ka ah ayaa u muuqday mid ay isku dhaceen dhigiida German-ka ah markii ay dhammaatay ciyaartu iyadoo gadaal laga ogaaday in Thomas Tuchel markii kulanku dhammaaday ku yidhi dhigiisa kale “F*** Off”.

Sergio Conceicao ayaa intaas kaddib la hadlay garsooraha afraad ee ciyaarta oo uu u arkayay mid maqlay cayda kaga timid Tuchel kahor inta uusan ciyaartoydiisa Porto u sheegin arrinta kuwaas oo iyagana ay isku dhaceen Tuchel.

Daafaca dhexe ee Porto ahna ruug-caddaaga ree Portugal ee Kepler Pepe ayaa la arkayay isaga oo ay erayo addag is dhaafsanayaan tababaraha ree Germany kahor inta uusan farta dhexe u taagin macalinka Blues isaga oo caayaya walow ugu dambayn garsoore kala dhex galay.

Kulanka kaddib Sergio Conceicao oo saxaafada la hadlay ayaa yidhi “Waxa i caayay ninka igu xigay (Tuchel), waxaan u sheegay garsooraha in garsooraha afraad uu maqlay cayda”

“Ku hadalkayga English-ku ma fiicna, ma jirto si aan aflagaadadaas uga qayb qaatay, ma jiraan wax erayo ah oo aanu is dhaafsanay sababtoo ah kulanka ayaan anigu diirada saarayay”

Dhinaca kale Tuchel oo wixii dhacay hoos u dhigaya ayaa isaguna yidhi “Waxa ay ahayd kaliya muran yar oo na dhex maray aniga iyo tababarahooda, qofkastaana aniga ayuu deg-deg isoo eegay”

Labada tababare ayaa markii ugu horreysay ay isku dhaceen ahayd markii Porto laga diiday rigoore ay doonaysay in loo dhigo taas oo dhalisay inay hadal is dhaafsadaan

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More