Go’aanka Mursal fadhiyada golaha shacabka ugu mamnuucay
Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin ayaa diiday go’aankii afhayeenka Golaha Shacabka ee mudo xileedkiisu dhamaaday 27-dii December ee sanadkii hore 2020-ka uu shanta kulan ee soo aadan ee golahaas uu kaga mamnuucay 15 mudane.
- Advertisement -
“Toogasho ula kac oo loo geystay golaha shacabka”
Axmed Macalin Fiqi wasiirka amaanka Galmudug oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka mudo xileedkiisu dhamaaday ayaa go’aanka fadhiyada golaha loogu mamnuucay 15 mudane ugu yeeray “Toogasho ula kac oo loo geystay hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka”.
“Tani waa toogasho ula kac oo loo geystay hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka, waa damin Iftiinkii dimuqraadiyadda, waa afduubka masiirkii dalka iyo god dheer ku rididda rajadii dawladnimadii dhismaysay Labaatankii sano ee u danbaysay” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay doorasho loo dhanyahay.
“Cawaaqib xumada ka dhalata go’aanka gudoomiye Mursal”
Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah mudane-yaasha loo diiday kulamada ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Faceboook wuxuu ku cambaareeyay talaabadda gudoomiye Maxamed Mursal isaga oo ku sifeeyay “garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed”.
“Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu katalinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda!” ayuu Yiri Mudanaha ka tirsan sharci-dejiye-yaasha mudo xileedkoodu dhamaaday.
“Kutumashada Sharciga iyo doonista mudo kororsi”
Senater Ilyaas Cali Xasan ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa go’aanka Gudoomiyaha golaha shacabka ku tilmaamay “kutumashada Sharciga iyo doonista mudo kororsi” uu doonayo madaxweynaha uu mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Kajoojinta 15kaan Xildhibaan kulanka Golaha Shacabka ee Maalinta Isniinta waxay kamid tahay kutumashada Sharciga iyo doonista mudo kororsi uu Farmaajo uwaashey!” ayuu hoosta ka xariiqay Sanatar-ka.
“Gudoomiye ayaan dooranaynaa”
Cabdirashiid Maxamed Xidig oo jiray liiska la faray ilaaladda xarunta golaha in aysan u ogolaan soo gelida xarunta Aqalka Hoose ayaa caddeeyay in aysan u hogaansami doonin.
“Horta nagala mamnuucay ma jiraan. Dabcan waan aragnay warqadda kasoo baxdey guddoomiyihii hore [ee Golaha Shacabka] ayna kawada shaqeeyeen isaga iyo ku xigeenka labaad Mahad Cabdala Cawad. Laakiin, ma ahan warqad” ayuu yiri isaga oo intaasi raaciyay “Annagu dagaalmi mayno laakiin nidaamka sharciga ah baan ku taagannahay dhibna malahan in laba baarlamaan ay shiraan, annaguna shir baan qabsanaynaa, guddoon baan dooranaynaa ee shaqaan qabanaynaa.”
Sabtidii waxaa muran iyo buuq ku soo dhamaaday fadhigii golaha shacabka waxaana Guddoonka Golaha Shacabka ayuu ku eedeeyay in ay ka shaqeynayaan fashilinta shirka 15 mudane oo ka tirsan baarlamaanka oo iyaguna ku eedaayay Mursal uu doonayay in uu mudo kordhin u sameeyo Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.