Difaacyadii Abid Ugu Wanaagsanaa Horyaalka Premier League Oo
Jamie Carragher ayaa shaaciyey in difaacii ugu wanaagsanaa abid ee ka ciyaara horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League uu yahay halyeygii hore ee Chelsea ee John Terry.
Kabtankan hore ee Blues ayaa yimid Stamford Bridge markii ay da’diisu ahayd 19 jir, waxaanu kula guuleystay shan horyaal oo Premier League ah intii uu ahaa kabtanka kooxda.
Ruug-caddaagii difaaca Liverpool ee Jamie Carragher ayaa xilliyadii uu isaguna garoomada ku jiray waxay iska hor yimaaddeen John Terry, laakiin dhinaca kale, waxay iska garab ciyaareen iyagoo xidhan shaadhka xulka qaranka England.
Carragher oo la hadlayay TalkSports ayaa waxa uu yidhi: “Aniga waxay ila tahay in John Terry uu yahay difaacii ugu wanaagsanaa abid horyaalka Premier League. Wuxuu ahaa ciyaartoy noocayga ah, laakiin haddii aan runta sheego aniga wuu iga wanaagsanaa. “Waxay ila tahay awooddiisa si weyn ayaa loo xaqiray.
“Kubadda wuxuu lugtiisa bidix ku geyn karayaa masaafo 40 illaa 50 yard ah. Anigu waxaan dareemi jiray in John Terry uu yahay difaacyahanka iyo Rio Ferdinand, laakiin Rio wuxuu ahaa isaguna ahaa difaac aad uga wanaagsan inta loo qiro, waxaanay ila tahay in John Terry uu ahaa ciyaartoy ka wanaagsan isaga.”
Shan horyaal oo Premier League ah, waxa uu Terry ku darsaday shan FA Cup, saddex league Cup iyo sidoo kale tartamada Champions League iyo Europa League oo uu min hal mar la qaaday Blues.
Afti uu qaaday wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain oo ay ka qayb-galeen 130,000 qof, ayaa waxa lagu soo xulay sagaal ciyaartoy oo u tartamay difaacii ugu fiicnaa abid, waxaana liiskaa ka maqnaa Terry, halka halyeygii kale ee Blues ee Marcel Desailly oo waqti kooban ay iskaga garab ciyaareen Stamford Bridge uu liiskan soo galay.
Sergio Ramos iyo Franz Beckenbauer ayaa iskugu soo hadhay labadii ugu dambaysay, waxaana guuleystay kabtanka Real Madrid oo 74 boqolkiiba ka helay codadka.
Jamie Carragher oo arrintan wax laga weydiiyey ayaan ka hor imanin doorashada akhristeyaasha, waxaana uu amaan u jeediyey Sergio Ramos, isaga oo yidhi: “Ramos wuxuu dhaliyey boqol gool oo kusii dhoweysay heerkiisa halyeynimo, akhristeyaasha Marca na, taas ayay marka horeba arkayeen.
“Koobabka tirada badan ee uu ku guuleystay – La Liga, Champions League, Copa del Rey, Super Cup-ka maxalliga ah iyo kan Yurub iyo waliba Koobka Adduunka – Sidoo kale saamayntiisa kulamada muhiimka ah, ayaa ka dhigay mid u qalma in lagu tilmaamo difaacii dhexe ee ugu wanaagsanaa abid.”