DEG-DEG: Man United Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

Kooxda Man United ayaa dalab dhan 35 milyan ah miiska u saartay kooxda Everton oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara ee Jarrad Branthwaite.

Man United ayaa Jarrad Branthwaite ka dhigatay bartilaameedka 1-aad ee ay ku xoojinayso kooxdeeda suuqa xagaaga.

United ayaa horay heshiiska shaqsiga ah ula gaadhay Daafaca Jarrad Branthwaite si ay ula wareegto suuqa xagaagan.

United ayaa haatan dalab Rasmi ah miiska u saartay kooxda Everton si ay u tijaabiso go’aanka kooxda.

Sida laga soo xigtay saxafiga David Ornstein, Man United ayaa dalab Rasmi ah u gudbisay Everton si ay uga hesho saxiixa xiddiga.

Jarrad Branthwaite ayaa haatanba ogolaadya in uu ku biiro kooxda Man United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More