David De Gea Oo Weerar Ku Qaaday Kooxdiisa Manchester United Xilli Uu

Goolhayaha xulka qaranka Spain ee David de Gea ayaa  weerar ku qaaday kooxdiisa Manchester United xilli uu ku sugan yahay waddankiisa Spain oo uu isku diyaarinayo ka qayb-galka tartanka qaramada Yurub.

De Gea ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada, waxa uu ku canaantay Manchester United oo uu sheegay in ay si xun ula dhaqantay goolhayaha reer Argentina ee Sergio Romero oo shalay ay United ku dartay liiska ciyaartoyda ay fasaxday ee xagaagan sida xorta ah ku tegaya.

Romero oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka bishan June, ayaa soo afjaraya lix sannadood oo uu joogay Old Trafford oo uu kursiga kaydka ku daalay.

Goolhayaha reer Argentine ayaa xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday aan hal kulanna kasoo muuqanin safka Manchester United, waxaana ay xaaladdaasi timid iyadoo ay kooxdu u diidday in uu tago labadii xilli suuq ee ugu dambeeyey oo uu doonayay in uu tago.

David de Gea ayaa qoraal uu ku macasalaamaynayay Romero waxa uu si dadban ugu sii duray kooxdiisa Manchester United, waxaanu yidhi: Nasiib wanaagsan, Chiqui! Waxa aan kuu rajaynayaa guul, saaxiib. Waxa aad u qalmaysay in si fiican laguula dhaqmo.”

Sergio Romero ayaa Manchester United u saftay 61 kulan oo kaliya tan iyo sannadkii 2015.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More