SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaaliyey Tartanka Qaramada Yurub, England

Supercomputer ayaa soo saaray saadaasha tartanka Jimcaha bilaabmaya ee qaramada qaaradda Yurub ee Euro 2020, waxaana uu rajo la’aan ka dhigay xulka qaranka England ee ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo.

England ayaa soo gaadhay semi-finalka Koobkii Adduunka 2018 ee lagu qabtay RUushka, waxaana uu sannadkan tababare Gareth Southgate soo xushay ciyaartooyo da’yar oo cajiib ah, tayadoodana aad loo amaanayo.

Dhamaan 26ka ciyaartoy ee xulka ayaa ah xiddigaha ugu cadcad Premier League iyo tartamada kale ee ay ka ciyaaraan, waxaana u dheer, in kulamada semi-finalka iyo Finalka lagu ciyaari doono garoonka Wembley, halkaas oo haddii ay soo gaadhaan u noqon doonta hoygoodii.

Sidaas oo ay tahay, Supercomputer ayaa soo saaray saadaashiisa tartanka Euro 2020, waxaana uu sheegay in England ay kaliya fursad u haysato in ay tartankan ku guuleysato boqolkiiba shan kaliya, laakiin waa saadaal oo kaliya ee ha u qaadanin in ay tahay xaqiiqo.

Xulka qaranka France ee haysta Koobka Adduunka 2018 ayaa uu Supercomputer u saadaaliyey in uu ku guuleysan doono Euro 2020, waxaana boqollayda uu ku salleeyey xisaabtan ay Faransiisku ka heleen 20.5%.

Portugal oo koobkan difaacanaya, kuna guuleystay sannadkii 2016 ayay saadaashu ka nixisay, waxaanu soo galay kaalinta shanaad, halka labaad, saddexaad iyo afraad ay ku kala jiraan Belgium, Spain iyo Germany.

Halkan kaga bogo saadaasha Supercomputer ee Euro 2020:

24. North Macedonia – 0.02%

23. Slovakia – 0.04%

22. Scotland – 0.1%

21. Hungary – 0.1%

20. Finland – 0.1%

19. Austria – 0.2%

18. Czech Republic – 0.2%

17. Turkey – 0.4%

16. Wales – 0.6%

15. Ukraine – 0.8%

14. Poland – 0.8%

13. Russia – 1.0%

12. Croatia – 1.0%

11. Sweden – 1.5%

10. Switzerland – 2.3%

9. England – 5.2%

8. Denmark – 5.4%

7. Holland – 5.6%

6. Italy – 7.6%

5. Portugal – 9.6%

4. Germany – 9.8%

3. Spain – 11.3%

2. Belgium – 15.7%

1. France – 20.5%

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More