Jose Mourinho Oo Karbaashay Gareth Bale: “Sidee Ayuu Ahaa
Jose Mourinho ayaa weerar ku qaaday xiddiga reer Wales ee Gareth Bale, waxaanu sheegay in aanu garoomada la imanin wax lagu xasuusto oo bandhig wanaagsan ah sannadihii ugu dambeeyey.
Tababaraha reer Portugal ayaa ku layliyey Bale kooxda Tottenham sannadkii ugu dambeeyey ka hor intii aan shaqada laga caydhin xilli ciyaareedkii tegay oo sii dhamaanaya, hase yeeshee waxa Mourinho lagu xasuustaa in uu Bale ku hayay kaydka, fursado yar oo koobanna uu siiyey inkasta oo waqtiga intiisa badan uu dhaawac ahaa.
Mourinho ayaa dib ugu soo celiyey Bale kooxdiisa hore ee Tottenham, isagoo amaah kaga soo qaatay Real Madrid, laakiin waxa uu laacibkani sii waday niyad-jabkii uu kaga yimid Real Madrid oo kale.
Jose Mourinho oo bixiyey waraysi uu kaga hadlay tartanka Euro 2020 ee toddobaadka dambe bilaabmaya ayaa wax laga weydiiyey fursadda xulka qaranka Wales, waxaanu yidhi: “Sannadihii ugu dambeeyey Wales waxay isku hallaynaysay Gareth Bale iyo Aaron Ramsey oo ahaa labada ciyaartoy ee ugu wanaagsan waddanka.
“Laakiin marka aan eego xilli ciyaareedka iyo inta kulan ee Ramsey u saftay Juventus, waxa jiray dhaawacyo badan.
“Marka aynu eego Gareth iyo inta bandhig wanaagsan ah ee uu sameeyey, inta gool ee uu ka dhaliyey kooxaha ugu wanaagsan, ma jiraan wax badan, amaba waxba ma samaynin. Meelo badan marka laga eego, xaaladda uu ku jiro waddanku (Wales) ma sahlana.”
Si kastaba, Gareth Bale ayaa xilli ciyaareedkii 2020-21 waxa uu Tottenham u dhaliyey 16 gool oo dhamaan tartamada ah, qaar ka mid ahna uu saxeexay ciyaaartii ugu dambaysay iyo saddex caawimood oo uu ku daray.