DAAWO: Gool Chelsea Laga Dhaliyay Oo Loo Doortay Goolkii Sanadka Ee

Weeraryahanka kooxda FC Porto ee Mehdi Taremi ayaa ku guuleystay goolkii ugu qurxoonaa ee tartamada UEFA laga dhaliyay xilli ciyaareedkii tagay ee 2020-21 isaga oo ku hantay maqaskii uu ka dhaliyay shabaqa Chelsea.

Goolka Taremi ayaa ahaa mid ay Porto guul kaga gaadhay Chelsea kulan 1-0 ku dhammaaday oo ahaa lugtii labaad ee wareega siddeed dhammaadka UEFA Champions League 13-kii bishii April.

Porto ayaa ugu dambayn 2-1 kaga hadhay tartanka maadaama oo ay Chelsea 2-0 ku garaacday ciyaartii hore balse weeraryahankooda ayaa kulankaas ka dhaliyay gool taariikhda u galay kaddib markii uu helay 30% kamida codkii la bixinayay.

Goolka ayaa ahaa mid uu Nanu oo bedel kusoo galay garabka midig kasoo dhigay kubad joog sarre ah oo cajiib ah waxaana uu kubadda gaadhsiiyay Taremi oo marka uu helay kubadda goolku xaga dhabarkiisa ka xigay.

Dhaliyaha ree Iran ayaa kubadda xakamayn karayay kaddib isku dayi karayay inuu laago balse ka doortay inuu aamino awoodiisa gool dhalineed isaga oo qaab maqas ah ku laagay kubadda.

Guud ahaan 60,000 oo cod ayaa la dhiibtay, kaddib Taremi ayuu booska 2-aad galay goolkii uu Lorenzo Insigne xulka Talyaaniga uga soo dhaliyay tartankii UEFA Euro markaas oo uu Belgium gool qurxoon ka dhaliyay.

Xiddiga Rangers ee Kemar Roofe ayaa dhammaystiray saddexda boos ee sarre waxaana kaalinta saddexaad soo galay goolkii uu meesha fog ka dhaliyay ee uu la gaadhay shabaqa Standard Liege.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

Mehdi Taremi’s ?? bicycle kick has been voted UEFA Goal of the Season! ? #UCL

pic.twitter.com/E0k1aXO0eE

— RouteOneFootball (@Route1futbol) July 29, 2021

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More