Waakan Xiddiga Barcelona Ka Tirsan Ee Diiday Inuu Ku Biiro Arsenal,

Da’yarka daafaca midig ee kooxda Barcelona ee Sergino Dest ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday saddex kamida kooxaha ugu waaweyn Yurub si uu ugu dagaalamo booskiisa Barca.

Daafaca ree Maraykan ayaa 41 kulan soo ciyaaray xilli ciyaareedkiisii koowaad ee Barcelona kaddib markii uu heshiis 23 Milyan oo pound ah dhinaca Ajax ugaga soo biiray xagaagii 2020.

Barcelona ayaa haatan ah mid ku jirta boos ay doonayso inay dhinto mushaharaadka ay bixiso si ay u diiwaan gashato saxeexyadeeda cusub si lamid ah heshiis cusub uga saxeexato Lionel Messi oo haatan mudo bil ah koox la’aan ah.

Wargeyska ESPN ayaa sheegaya in Arsenal, Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ay dhammaantood isku dayeen saxeexa 20 sano jirkaas.

Dest ayay warbixintu sheegaysaa inuu diiday saddexdaas kooxood oo lagu daray kooxahaas oo lagu daray AS Monaco maadaama go’aankiisu yahay inuu baaqi kusii ahaado Camp Nou.

Arsenal ayaa doonaysa saxeexa daafac midig maadaama oo la filayo inuu baxo Hector Bellerin, 26 sano jirka ree Spain oo tobbankii sano ee ugu dambeeyay Gunners kusoo qaatay ayaa raadinaya loolan cusub.

Dhinaciisa tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ah mid doonaya inuu sii haysto Sergino Dest, Barcelona ayaa aaminsan inuu awoodo Dest inuu noqdo daafaca midig ee dookha koowaad u ah kooxda halka uu sidoo kale yahay mid daafaca bidix ka ciyaari kara oo kaabis u ah Jordi Alba haddiiba loo baahdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More