Cristiano Ronaldo Oo Xiddig Man United Ku Dhibaatoomaya Ku Qancinaya In Uu Ku Biiro Al-Nassr

Cristiano Ronaldo ayaa isku dayaya inuu ku qanciyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Casemiro inuu kula soo biiro kooxda Al Nassr ka dib markii kooxdiisa lagu garaacay rigoorayaal finalkii King Cup ee Saudi Arabia.

Ronaldo Oo niyad jabaan ayaa ilmeeyay ka dib markii Al Hilal ay 5-4 kaga badisay rigoorayaal, ka dib markii ay Ciyaarta caadiga ah ku dhamaantay bar-baro 1/1 ah.

Kooxda Ronaldo ayaan wax koob ah ku guulaysan xilli ciyaareedkan waxana uu Ronaldo bilaabay in uu Soo jiito Xiddigo Caawiya Kooxdiisa.

Sida laga soo xigtay Marca, Casemiro waxaa durba la soo xiriiray saaxiibkiisii hore ee Real Madrid. Xiddiga reer Brazil ayaa xilli ciyaareedkii labaad oo adag ku qaatay England xilli uu ku dhibtoonayay qaab ciyaareedkiisa iyo taam ahaanshihiisa, wuxuuna seegay finalkii FA Cup-ka ee ay ka qaadeen Man City.

-sano jirkaan ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu u wareegayo Bariga Dhexe, iyadoo Al Nassr ay tahay kooxda doonaysa saxiixa xiddiga reer Brazil.

Mustaqbalka xiddiga shanta jeer ku guuleystay Champions League wuxuu ku xirnaan karaa haddii tababare Erik ten Hag uu sii joogo Old Trafford.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More