“Cadaabta Ku Dhaca Kuwa Naga Soo Horjeedoow…” – Neymar Oo Habaaray

Kabtanka xulka qaranka Brazil ee Neymar ayaa weerar ku qaaday dadka dalkiisa ee taageeraya Argentina ciyaarta finalka Copa America ee ay Brazil iyo Argentina wada ciyaarayaan habeen dambe.

Tiro dad reer Brazil ah ayaa la sheegay inay doonayaan inay arkaan Lionel Messi oo koob kula guuleysanaya dalkiisa, halkii ay ka arki lahaayeen isaga oo ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiisanaya, isla markaana aan wax koob ah la qaadin.

Laakiin arrintani waxay ka cadhaysiisay Neymar Jr oo is-xakamayn kari waayey, bartiisa bulshada ee Instagram-kana soo dhigay qoraal uu ku weerarayo dadka sidaas u fikiraya ee Brazil u dhashay.

Neymar ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “Waxaan ahay reer Brazil, waxa aan ku leeyahay sharaf iyo jacayl. Riyadayda mar walba waxay ahayd in aan u ciyaaro xulka qaranka Brazil oo aan maqlo taageereyaasha oo heesaya.

“Waligay ma weerarin, mana weerari doono Brazil haddii ay wax u tartamayso, haddii ay tahay ciyaar, tartamada quruxda ama billadaha filimada ee Oscar.”

Intaas kaddib ayuu Neymar habaar iyo cadho isku raaciyey kuwa reer Brazil ee taageeraya Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Haddii ay tahay Brazil waxa aan ahay Brazil, waa kee qofka reer Brazil ee si’ kale samaynaya? Haddii uu jiro, waan ixtiraamayaa laakiin waxa aan leeyahay ‘cadaabta ku dhaca’ kuwa naga soo horjeedow.”

Si kastaba, Brazil ayaa habeen dambe u dagaallami doonta in ay ku guuleysato koobkeedii lixaad ee Copa America ah tan iyo 1997kii, halka Argentina ay ugu dambaysay in ay koobkan qaaddo sannadkii 1993kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More