Bruno Fernandes Oo Man United Ku Hoggaamiyey Guushii Ugu

Manchester United ayaa guushii ugu horreysay ee horyaalka Premier League ah ku gaadhay garoonkeeda Old Trafford, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay West Brom.

Kulankan oo ahaa mid adag ayay Manchester United raadinaysay guushii labaad oo xidhiidh ah ee horyaalka iyo middii ugu horreysay ee garoonkeeda ay ku hesho, waxaana u suurtogeliyey Bruno Fernandes oo rikoodhe u dhaliyey qaybtii labaad.

West Brom ayaa ku dhowaatay inay ciyaarta ku dhamayso natiijada ka beddelan sidan, waxaanu garsooraha kulanku uu siiyey rikoodhe sababi lahaa in ciyaartu ay ka duwanaato sida ay ku dhamaatay, laakiin VAR oo laga soo daawaday ayaa xaqiijiyey in wax qalad ahi aanu dhicin.

Shaxdii labada kooxood

WEST BROM STARTING XI (5-4-1): Sam Johnstone; Darnell Furlong, Semi Ajayi, Kyle Bartley, Branislav Ivanovic, Conor Townsend; Matheus Pereira, Romaine Sawyers, Conor Gallagher, Grady Diangana; Karlan Grant.

Kaydka: David Button, Rekeem Harper, Callum Robinson, Filip Krovinovic, Matt Phillips, Dara O’Shea, Hal Robson-Kanu.

MANCHESTER UNITED STARTING XI (4-2-3-1): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Alex Telles; Nemanja Matic, Fred; Juan Mata, Bruno Fernandes, Marcus Rashford; Anthony Martial.

Kaydka: Dean Henderson, Edinson Cavani, Scott McTominay, Daniel James, Donny van de Beek, Brandon Williams, Axel Tuanzebe.

Daqiiqaddii 2aad ayay Manchester United tijaabada ka qaadday heerka diyaarsanaanta difaaca iyo goolhayaha West Brom, waxaana kubbad laag xor ahayd oo uu soo tuuray Juan Mata xerada ganaaxa ka helay Martial oo toogtay dhinaca u dhowaa ee goolka, hase yeeshee waxa madaxaas qabtay goolhaye Johnstone oo usii diyaarsanaa.

Goolhaye Johnstone ayaa mar kale sameeyey badbaado heersare ahayd kaddib markii uu Marcus Rashford ka qabtay kubbad uu goobta rikoodhaha ka helay oo uu laag qabow dhinaca goolka ugu leexiyey, waxaana si degdeg ah kubadda iskugu soo tuuray goolhayaha West Brom oo mar kale kooxdiisa la baxsaday.

Daqiiqaddii 20aad ayay timid fursaddii ugu horreysay ee gool loo filana karayay ee West Brom, waxaana kubbad uu xerada ganaaxa keenay Sawyers ku toogtay goolka Grant laakiin goolhaye David de Gea ayaa badbaadin cajiib ahayd sameeyey.

Fursad kale ood ahabi ah ayaa soo martay Manchester United waxaana markan laga diiday Bruno Fernandez iyo Juan Mata oo kubaddii ay u dhiibeen Martial uu goolhayuhu kasoo dhex galay.

Daqiiqaddii 46aad ayaa Manchester United ay naxdin la gariirtay kaddib markii uu garsooruhu rikoodhe u qabtay West Brom, iyadoo uu tilmaamay in qalad lagu galay Townsend oo xerada ganaaxa ku jira, laakiin VAR oo laga soo hubiyey ayaa meesha ka saaray go’aanka tababare David Coote oo u arkayay in Bruno Fernandes uu lugta la laaday Townsend.

Manchester United ayaa iyadana inyar kaddib loo dhigay rikoodhe, waxaana qaatay Bruno Fernandes, hase yeeshee goolhaye Johnstones ayaa ka badbaadiyey.

VAR oo laga soo hadlay xilli koorne loo sheegay Manchester United, isla markaana uu Fernandes madaxa haysto, waxaana la xaqiijiyey in goolhayaha West Brom uu laynka soo dhaafay ka hor intii aan kubadda lagu soo laadin.

Bruno Fernandes ayaa mar kale rikoodhihii ku ceshaday, waxaanu kubbad awood badan ku toogtay goolka iyadoo uu waxyar ka sarraysiiyey goolhayaha oo ka raacay.

Fursado kale ayay Manchester United heshay, sidoo kalena West Brom ayaa iyaduna aan qatanayn, hase yeeshee natiijada ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Manchester United.

 

PENALTY TO UNITED! The home side counter-attack following De Gea’s save and Mata makes a run down the left. He cuts inside before putting a cross in which hits Furlong’s arm and the referee points to the spot.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More