Atletico Madrid Oo Guul-darro Kale U Xambaarisay Barcelona,

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa guul ay u qalmaysay ka gaadhay Barcelona oo ay kusoo dhoweysay garoonkeeda Wanda Metropolitano.

Kulankan oo ay si weyn loo sugayay, isla markaana labada kooxood midba ay qiimo gaar ah ugu fadhiday guushu ayaa waxa uu kusoo dhamaaday 1-0 ay guushu ku raacday Atletico Madrid, waxaana goolkan madiga ah u dhaliyey Carrasco oo kubbad loogu tuuray dhinaca bidix meel cidlo ah kaga tegay goolhaye Ter Stegen oo soo baxay.

Guushan ayaa Atletico Madrid ay hoggaanka horyaalka kula qabatay Real Sociedad, halka Barcelona ay kaalinta 10aad ku jirto oo ay 11 dhibcood oo kaliya haysato.

Shaxdii labada kooxood

BARCELONA (4-2-3-1): Marc-Andre ter Stegen; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Miralem Pjanic, Frenkie de Jong; Ousmane Dembele, Lionel Messi (c), Pedri; Antoine Griezmann.

Kaydka: Riqui Puig, Neto,  Carles Alena, Arnau Tenas, Philippe Coutinho, Trincao, Oscar Mingueza, Martin Braithwaite, Junior Firpo, Sergino Dest

ATLETICO MADRID (4-4-2): Jan Oblak; Kieran Trippier, Stefan Savic, Jose Gimenez, Mario Hermoso; Marcos Llorente, Koke (c), Saul Níguez, Yannick Carrasco; Angel Correa, Joao Felix.

Kaydka: Felipe, Thomas Lemar, Toni Moya, Diego Costa, Vitolo, Geoffrey Kondogbia, Sergio Camello, Ricard Sanchez, Ivo Grbic, Ivan Saponjic, Renan Lodi.

Barcelona ayaa daqiiqaddii saddexaad ee ciyaarta heshay fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta, markaas oo Dembele uu soo farsameeyey Hermoso, isla markaana uu Griezmann xerada ganaaxa la yimid kubadda balse laacibka reer France ayaan fursaddaas ka faa’iidayn.

Koke ayaa la siiyey kaadhkii ugu horreeyey ee ciyaarta kaddib qalad uu ku galay weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele. Lionel Messi oo laagga xorta ah qaatay ayaa kubadda gaadhsiiyey Roberto oo isaguna koorne saara.

Atletico Madrid ayaa si adag uga dagaallantay khadka dhexe oo ay gacanta ku dhigtay, halkaas oo ay Barcelona ku liiday, iyadoo la dareemayay maqnaanshaha Sergio Busquets.

Laba fursadood oo goolal loo fishay ayay qaybta hore heshay Atletico Madrid, waxaana midda hore si dirqi ah ku badbaadiyey goolhaye Ter Stegen, halka tan dambena ay birta ku dhacday.

Daqiiqaddii 43aad ee waqtiga dheeraadka ah ee qaybta hore ayay Atletico Madrid heshay goolka furaha u noqday ciyaarta, waxaana dhinaca bidix kubbad looga tuuray Carrasco oo goolhayaha oo meel fog ugu yimid labadiisa lugood kasii dhex saaray kubadda isla markaana goolka oo madhan kubadda ku toogtay.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid musiibo ku ahayd Barcelona, isla markaana ay ciyaartoyda kooxda Barcelona garoonka ku dhex dhibaatoonayeen, iyadoo kubadduna ku wareegaysanaysay xerada ganaaxa.

Diego Simeone ayaa qalad ku sameeyey beddelka laacibka reer Spain ee Diego Llorente oo shaqo adag ka hayay dhexda iyo weerarkaba, waxaana uu keenay Diego Costa, taasina waxay culayskii ka dejisay Barcelona oo heshay fursad ay culays kusoo saarto Atletico Madrid.

Atletico Madrid ayaa sas ka qaadday laag xor ah oo Lionel Messi loo dhigay, waxaanay gadood kala hor tageen garsooraha oo laba ka mid ah ciyaartoyda huruud iskaga aamusiiyey.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Atletico Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More