Ciidamada ammaanka DG Puntland oo Boosaaso ka sameeyay

17

Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari oo dhawaan Ciidamo dheeraad ah DG Puntland geysay waxaa ka bilawday howlgalo saraakiisha askarta hoggaamineysa ku tilmaameen Amni sugid.

- Advertisement -

Ciidamada ayaa baaraya xaafadaha qaar, Gaadiidka & Dadka saaran, maadaama walwalka ugu weyn ee maamulkaas uu yahay sugidda ammaanka Magaalada Boosaaso oo marar kala dilal & qaraxyo ay ka dhaceen.

Kuraasta qaar Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa loo asteeyay in lagu qabto Xarunta Ganacsiga DG Puntland oo culeyska ugu weyn ee ka taagan uu yahay wax ka qabashada amni darrada.

Al-Shabaab & Daacish ayaa ku sugan dhulka buuraleyda ah ee kulaala Magaalada, waxaana horfadhiga Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedkaas oo waqtiyo kala duwan dagaal uu ku dhexmaray deegaannada qaar.

Saraakiisha ammaanka, maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso ayaa codsi u diray Hogaamiyayaasha Puntland oo ah in la kordhiyo Ciidamada sugaya amniga Magaalada si xasilooni ugu dhacdo doorashada kuraasta Baarlamaanka Federaalka.

Shalay ayay Maxkamadda Ciidamada Puntland xukun ku riday shaqsiyaad ay ku eedeysay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish, kadib markii ciidamada ammaanka ay kusoo qabteen howlgalo qorsheysan.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More