Bernardo Silva Oo Xiddig U Ciyaara Xulka Portugal Ku Qancinaya In Uu Iska Diido Man United Kuna Biiro Man City.

Xiddiga kooxda Man City ee Bernardo Silva ayaa xiddiga ay isku xulka yihiin ee Joao Neves ku qancinaya in uu iska diido Man United kuna biro City.

Man United ayaa dadaalo ugu jirta sidii ay ula saxiixan lahayd xiddiga Joao Neves kaas oo u ciyaara Kooxda Benfica.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa ilaa haatan laga diiday dalab furitaan ah iyada oo mid kale miiska u saartay kooxda Benfica si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Xiddiga Bernardo Silva ayaa ku qancinaya xiddiga Joao Neves in uu iska diido Man United kuna biiro kooxda ay xafiiltamaan ee Man City.

Kooxda Benfica ayaa dalbanaysa wax ka badan 110 milyan oo euro hadii ay iibinayso xiddiga hadka dhexe ee Joao Neves.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More