Xiddig Ku Fashilmay Man United Oo Loo Doortay Xiddiga Ugu Fiican Euro 2024.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United Marcel Sabitzer ayaa loo doortay xiddiga ugu fiican Euro 2024 ilaa haatan sida uu qabo Halyeeyga reer Germany ee Lothar Matthaus.

Sabitzer ayaa door muhiim ah ka ciyaaray xulkiisa Austria Euro 2024 isaga oo xulkiisu ku soo baxay kaalinta 1-aad ee Group-ka D iyaga oo ka horeeyay xulalka France Iyo Netherlands waxana ay la ciyaari doonaan xulka Turkey wareega 16-ka.

30-sano jirkaan, ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulankii uu xulkiisu 2/3 uga badiyay Netherlands waxana uu amah 4 sano ah ku qaatay Man United.

Matthaus, oo sidoo kale kula guuleystay Koobka Qaramada Yurub ee Germany 1980, ayaa la dhacay qaab ciyaareedka Sabitzer ee tartanka xagaagan.

“Ciyaartoyga tartanka ilaa hadda waa Marcel Sabitzer,” Matthaus ayaa yidhi.

“Waxaan ku arkay Berlin intii ay socotay ciyaartii Austria 3-2 kaga badisay Holland”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More