Bayern Munich Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig U Ciyaara Chelsea.

Daafac u ciyaara Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in uu bartaameed u noqday Bayern Munich suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay saxafiga Sky Sport Deutschland Florian Plettenberg,Bayern Munich ayaa bartilmaameed ka dhigatay daafaca dhexe eE Chelsea Levi Colwill.

Colwill Ayaa soo jiitay maamulka Bayern Munich kuwaas oo u arka mid wax weyn ku soo kordhin kara kooxda xilli Ciyaareedka dambe.

Bayern ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba wadahadalo la yeelatay Chelsea si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Colwill ayaa dhawaan heshiis cusub u saxiixay kooxda Chelsea waxana uu door weyn ka ciyaaray kooxda xilli ciyaareedkii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More