Atariishada Sara Salamo Oo Lagu Eedeeyay Inay Burburisay

Isco ayaa ku soo bilowday kulankii ay Real Madrid guuldarada 4-1 ka soo gaartay Valencia ee xalay ka dhacay garoonka Mestalla Stadium.

Isco ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed liita isagoo ka faa’ideysan waayay fursadii la siiyay xalay, waxayna taasi keentay in taageerayaal careysan ay fariimo u direen saaxiibtiis Sara Salamo.

Gabadha aktarada ah ee reer Spain ayaa lagu eedeeyay inay sabab u tahay hoos u dhaca qaab ciyaareed xiddiga khadka dhexe, iyadoo taageerayaasha ay fariimo aflagaado ah ugu direen Twitter.

Sara ayaa sawiro ka qaaday fariimaha loo soo diray iyadoo jawaab celin ka bixisay weerarka ay kala kulmeyso taageerayaasha Real Madrid.

“Spain kama jiro dumar naceyb” ayay si kajan ah u soo qortay, iyadoo in muddo ah andacooneysay in dhaqan dumar naceyb ah uu ku soo badanayo dalkeeda.

Muddo dheer ayay eedeymo badan la kulmeysay laakiin waa markii ugu horeysay ay jawaab celin ka bixiso inkastoo Salamo ay hadal kulul is dhaafsadeen joornaaliiste Pipi Estrada horaantii bishii Novemver markii ay soo baxeen warar sheegaya in Isco uu bilaabay inuu raaco hab nololeed uu cunayo kaliya cunto dhir ka sameysan isagoo iska diiday inuu cuno hilib iyo digaag.

Joornaaliistaha ayaa qoray inay Sara Salamo ku dhiirogelisay Isco inuu raaco hab dhaqankaan la iska ilaalinayo hilibka iyo digaaga iyo wax walba oo xoolaha laga manafacaado.

En España no hay machismo.? pic.twitter.com/PSmjlJWUMJ

— Sara Sálamo (@SaraSalamo) November 8, 2020

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More