Arsene Wenger Oo Daboolka Ka Qaaday Dalab Uu Ka Helay

Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa shaaciyey inuu dalab ka helay kooxda Manchester United oo doonaysay inuu u noqdo tababare, laakiin waxa uu diiday inuu waqtiga sheego.

Arsene Wenger muddo 22 sannadood ah tababare usoo ahaa Arsenal ayaa sannadkii 2018kii ka tegay, waxaana uu illaa waqtigaas ahaa shaqo la’aan iyadoo lala xidhiidhiyey kooxo badan oo kuwa ugu waaweyn qaaradda Yurub ah.

70 jirkan ayay si weyn garoomada ugu soo xafiiltameen ruug-caddaagii Man United ee Sir Alex Ferguson waqtiyadii ay kala hoggaaminayeen Gunners iyo Red Devils, laakiin kooxda uu sida weyn usoo colaadiyey ayaa dalab usoo dirtay intii uu kasii maqnaa shaqada.

Inkasta oo uu ka gaabsaday inuu waqtiga si cad u sheego, haddana Arsene Wenger waxa uu tilmaamay inuu helay fursad uu ku layliyo Manchester United, taas oo aan waliba mar kaliya soo marin ee dhawr jeer miiska loogu soo garaacay sidii uu Old Trafford u tegi lahaa.

Wenger oo u warramay wargeyska The Times waxa uu yidhi: “Marar dhawr ah ayaa shaqooyin la iisoo bandhigay.”

Si gaar ah ayaa loo weydiiyey Manchester United, waxaanu ku jawaabay: “Haa. Waxay iisoo direen dalab, laakiin idiinma sheegayo waqtiga.

“Kaliya waxa aan idiin sheegayaa in Manchester United ay dalab iisoo dirtay.”

Arsene Wenger waxa kale oo uu qiray in kooxo badan oo ay ka mid yihiin Paris Saint-Germain, Real Madrid, Bayern Munich, Barcelona, Juventus iyo xulka qaranka France intaba loogu yeedhay inuu layliyo, laakiin uu isagu ka gaabsaday.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in dhamaadka xili ciyaareedkii 2000/01 ay Manchester United xidhiidh la samaysay Arsene Wenger oo joogay Arsenal, ayna u bandhigeen dalab ay ku doonayeen inay kaga soo afduubaan Gunners oo uu shaqada ka beddelo Sir Alex Ferguson oo waqtigaas doonayay inuu ka fadhiisto tababarenimada.

Guddoomiyihii Manchester United ee waqtigaas, Martin Edwards iyo ku-xigeenkiisii Peter Kenyon ayaa la xidhiidhay Wenger, ka hor intii aanu Ferguson beddelin qorshihiisii hawlgabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More