Ronald Koeman Oo Sharraxay Isbeddelka Ku Dhacay

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa sharraxay isbeddelka ku dhacay laacibka kooxdiisa khadka dhexe uga ciyaara ee Philippe Coutinho oo qaab ciyaareed cajiib ah ka samaynayay garoomada tan iyo intii uu kasoo laabtay Bayern Munich.

Xiddiga reer Brazil ayaa rajaynaya inuu kusoo bilaaban doono safka hore ee kooxdiisa Barcelona marka ay caawa garoonka Camp Nou ku qaabbilaan Sevilla, isla markaana uu sii wato bandhigga fiican ee uu samaynayay labadii ciyaarood ee hore.

Tababare Koeman ayaa kalsooni buuxda siiyey Coutinho oo uu ku qanciyey inuu sii joogo kooxda xilli lala xidhiidhinayay inuu amaah ugu bixi doono horyaalka Premier League, waxaana durba soo baxaya tilmaamo wanaagsan oo uu Koeman ka markhaati kacay.

Tababaraha reer Netherlands oo warbaahinta la hadlayay ka hor kulanka Sevilla ayaa waxa uu sheegay in Coutinho uu ciyaar nool kusoo bandhigayo garoomada, waxaana mar su’aal laga weydiiyey laacibkan uu Koeman ku jawaabay: “Waa su’aal wanaagsan, jawaabtuna aad ayay u fududdahay: Coutinho waa ciyaartoy aad u wanaagsan. Hadalku waa intaas. Waa ciyaartoy wax badan kusoo bartay England, wax badan oo kalena Bayern Munich kasoo korodhsaday.”

Koeman oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray: “Aniga shaqadaydu waa in ciyaartoy kasta aan ka dhigo kan ugu wanaagsan. Waxaanay taasi ka bilaabmaysaa inaan ka ciyaarsiiyo booskooda ugu habboon. Waxay ila tahay inay taasi abuurto kalsooni oo ay caawiso ciyaartoyda, laakiin waxay wax walba ka bilaabmayaan waa tayada ciyaartoyga, Coutinho na waa ciyaartoy wanaagsan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More