Alisson Oo Ka Jawaabay Dalab Uu Ka Helay Kooxaha Sucuudiga.

Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alison Becker ayaa iska diiday dalab waali ah oo uga yimid kooxda sucuudiga ka ciyaarta ee Al-Nassr.

Al-Nassr ayaa Alisson ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad si ay ugu xoojiso Goolkeeda suuqa kala iibsiga xagaaga.

Laakiin Alisson ayaa iska diiday dalabkii ay ku doonaysay saxiixiisa.

Goolhaye Alisson ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Alisson ayaa muhiim u ahaa kooxda Liverpool tan ilaa markii uu imid kooxda.

Goolhayaha reer Brazil ayaa la filayaa in uu sii ahaado dookha 1-aad ee Liverpool kadib markii uu Slot noqday tababaraha cusub ee kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More