AKHRISO: Dooda Ka Jirta Man United, Sida Uu Markasta Bruno Fernandes U

Kubad sameeyaha kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa shaaca ka qaaday dooda ka dhex taagan qolka labiska kooxdiisa iyo xiddigaha ay ku murmaan ciyaaryahanka ay u arkaan midka ugu fiican abid kubadda cagta.

- Advertisement -

Bruno ayaa sheegay inuu markasta xiddigaha kooxdiisa u sheego in ninka ay Portugal kasoo wada jeedaan ee Cristiano Ronaldo uu yahay midka ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

Laakiin labada xiddig ee ree Brazil ee Fred iyo Alex Telles oo ay asxaab dhaw yihiin Fernandes ayaa kula dooda in halyeeyga dalkooda ee Pele yahay midka abid ugu fiican.

Fernandes oo 26 sano jir ah ayaa sheegay inay doodaasi ahayd mid hadda in mudo ah socotay isla markaana ay kala qaybisay isaga iyo ciyaaryahanada kale ee Brazilian-ka ah.

Fernandes ayaa sidoo kale sheegay inay saddexdoodu isku maan-dhaafsan yihiin midka fiicnaa halyeeyada qaramadooda ee Rivaldo iyo Luis Figo.

Isaga oo ka jawaabaya su’aalo ay taageerayaasha Man United soo weydiiyeen ayuu Bruno yidhi “Iyagu (Fred iyo Telles) waxay markasta ka hadlaan waa kuma xiddiga ugu fiican dunidu, midka ugu fiican taariikhdu Blah, Blah, Blah…”

“Markasta waanu dagaalanaa sababtoo ah waxa ay yidhaahdaan Pele ayaa ahaa midka ugu fiican taariikhda kubadda cagta aniguna Cristiano ayaan u doortaa dabcan”

“Aniga ahaan Cristiano iyo Messi ayaan markasta idhaa, labaduba taariikh ayay sameeyeen sanado badan waxaana ay awoodeen inay halka ugu sarreysa joogaan sanado badan”

“Dabcan sidaydoo kale iyagu marnaba could arag Pele oo ciyaaraya sidaas darteed sidaas darteed ma odhan karaan isaga ayaa ahaa midka ugu fiican sababtoo ah marnaba could arag”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More