“Gobaladda Waqooyi Cid aqoonsaneyso ma jirto, mana la doonayo in

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qayb galay shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD 14 Jully 2020. Sawirrka Villa Somalila.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qaybgalay kulan lagu su’aalo weydiinayay ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah sida Amniga, Doorashada, Heshiis siyaasadeedyada, Wada hadalka Somaliland iyo qodobo kale.

Waxa uu sheegay in aysan jirin cid aqoonsaneysa Somaliland, balse madaxda ay waqti ka luminayaan dadka, maadaama dalalka Afrika aan la dooneyn in lasii kala gooyo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa tilmaamay in wadahadalka Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland uu la yeeshay uu kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka.

“Somaliland Cid u aqoonsaneyso in ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya ma jirto, mana la doonayo in Afrika sii kala go’do, waana lama taabtaan qadiyadda & Madax banaanida Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Somaliland ayaa sheegata in ay ka go’day Soomaaliya 18-kii May 1991-kii oo muddo ahaan ku beegan xiligii ay dhacday Dowladdii Militariga ahayd ee 21-ka sano dalka maamuleysay, inkasta oo aysan helin aqoonsi.

Xiriirka wadahadalka ayaa kasoo bilawday wada-xaajood dhexmaray Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed Maxamuud Maxamed Siinlaayo, waxaa sii joogteeyay Xasan Sheekh Maxameed, ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa labo jeer la kulmay Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More