RW Rooble oo Guddi horumarinta dhaqaalaha kala hadlay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah la qaatay Xubnah Guddi hoosaadka Horumarinta Dhaqaalaha ayaa kala hadlay muhiimadda qorshaha Deyn Cafintu u leedahay Dowladnimada & Dib u dhiska Dalka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Mahdi Maxamed Guuleed oo dhawaan Wareejiyay Xilka ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sii hayaasha Wasiirada Maaliyadda, Dekedaha, Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada & Mas’uuliyiin kale.

Rooble iyo sii hayaha Wasiirka Maaliyadda XFS Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo looga hadlayay dhameystirka qorshaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga sugayaa magacaabista Golihiisa Wasiirada, si uu u horgeeyo Golaha Shacabka BFS oo codka Kalsoonida Arbadii todobaadkii tagay ku siiyay si aqbaliyad ah.

Todobaadkaan oo uu la wareegay xafiiska Wasiirka Koowaad waxa uu guda galay kulamo siyaasadeed uu la qaadanayo qaar kamid ah Wakiilada Dalka ku sugan & Xubno kala duwan oo Soomaali ah.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More