Masar:-Naxashyo duugnaa 2,500 oo sano oo haatan la soo

Khubarada waxyaabaha qadiimiga ah ee Masar ayaa ku dhawaaqay daahfurka 59 naxash oo duugnaa in ka badan 2,500 oo sano

Furitaanka mid ka mid ah Naxash-yada oo loo soo bandhigay warbaahinta Sabtidii, ayaa shaaca ka qaaday maydad ku daboolan maryo midabo kala duwan leh oo dhalaalaya.

Baaritaanka cajiibka ah waxaa laga soo helay goob taariikhii ah oo muqaddas ah kuna taalla deegaanka Saqqara oo dhaca koonfurta magaalada caasimadda ah ee Qaahira waana goob caan u ah hidaha dalkaasi.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay daahfurkaan,” ayuu yiri Mostafa Waziri,  oo ah xoghayaha guud ee Golaha Sare ee waxyaabaha qadiimiga ah.

Tan iyo markii la helay 13-kii mayd ee ugu horreeyay maydadka ayaa la shaaciyay ku dhowaad saddex toddobaad ka hor, in ka badan ayaa laga helay fallaaro qoto dheer oo dhan illaa 12 mitir.

Tiro naxdin leh oo mayd dheeriya ah ayaa laga yaabaa in ay wali halkaas ku aasan yihiin, Wasiirka Dalxiiska iyo waxyaabaha Qadiimiga ah ee Masar Khaled al-Anani ayaa goobta ka sheegay, meel u dhow Ahraamta in lagu samaynayo baaritaan dheeri ah.

Naxash-yada, oo la shaabadeeyey in ka badan 2,500 sano ka hor, ayaa dib ugu soo laabtay xilligii dambe ee Masar hore, laga bilaabo qiyaastii qarnigii lixaad ama toddobaad ee ka hor geeridii Nabi Ciise CS, ayuu wasiirku ku daray.

“Waxaan goobjoog u ahaa furitaanka mid ka mid ah naxashyada… hooyada waxa Ay umuuqataa sidii shalay oo kale in la aasay ayuu yiri al-Anani.

Godad laga qoday Saqqara ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa laga soo helay waxyaabo fara badan oo farshaxan ah iyo sidoo kale qolfoofta masaska, shimbiraha, digaagga iyo xayawaano kale.

Soo helitaan weyn

Soo helida naxashyada ayaa ah ogeysiiskii ugu weynaa ee tan iyo markii uu ka dilaacay dalka Masar COVID-19, taas oo horseeday in la xiro matxafyada iyo goobaha qadiimiga ah muddo seddex bilood ah ilaa dabayaaqadii bishii Maarso.

Daraasiin taallooyin ah ayaa sidoo kale laga helay aagga oo ay ku jiraan Naxash-yo muujinaysa Nefertem, oo ah Sanam qadiim ah kana mid ah waxyaabaha Khuraafaadka ah ee ay aaminsanaayeen dadka masaarida

Daraasado horudhac ah ayaa muujiyay in Naxash-yada ay u badan tahay in uu leeyihiin wadaadado, madax sare iyo shaqsiyaad caan ka ahaa bulshadii hore ee Masar ee boqortooyadii 26aad, al-Anani ayaa sidaas u sheegay warbaahinta.

“Dhammaan naxashyada waxaa loo qaadi doonaa Matxafka weyn ee Masaarida ee dhawaan la furi doono Giza Plateau” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Furitaanka Matxafka weyn ee Masaarida, oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid, ayaa loo qorsheeyay sanadka 2021, waxaana lagu xarayn doonaa 32  Naxash oo ay lahaayeen wadaado dalkaasi caan ka ahaa oo sanadkii hore laga helay magaalada koonfurta ku taal ee Luxor.

Matxafku wuxuu martigelin doonaa kumanaan farshaxano ah, oo lakaydiyay waayihii kala duwanaa ee taariikhda Masar, laga soo bilaabo xilligii boqornimada illaa xilligii Giriigga iyo Roomaanka.

Masar waxa ay rajeyneysaa in la helo waxyaalo badan oo qadiimiga ah sanadihii la soo dhaafay iyo matxafka cusub wuxuu sare u qaadi doonaa waaxdeeda dalxiiska ee muhiimka u ah, oo ay soo wajahday argagax badan tan iyo kacdoonadii guga ee sanadkii 2011, kii ugu dambeeyayna cudurka faafa ee coronavirus.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More