Heshiis shan qodob ah oo ay kala saxiixdeen maamullada Muqdi…

0

Ankara (Axadle) – Wafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Faarax Cabdi Diini, oo uu qeyb ka yahay Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir oo maalmihii dambe safar shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa la kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya.

Mr. Ercan Uslu, oo ah ku-xigeenka duqa magaalada Konya, oo kamid tahay magaalooyinka ugu waaweyn dalka Turkiga, uguna taariikhaha fog, ayaa waxa uu si weyn usoo dhaweeyay wafdiga ka socday dowladda hoose ee Muqdisho, ayagoona kala saxiixday heshiis cusub.

Labda Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada-hadlay kor u qaadida iskaashiga, maareynta biyaha iyo qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga dooday, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in kulanka intii uu socday laga mahad-celiiyay mudnaanta Gaarka ah ee Madaxweynaha Turkiga uu siiyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta axadle dalka ee Muqdisho.

Waxay labada Dawlad hoose intaasi kadib qalinka ku duugen heshiis cusub oo dhigaya in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo arimaha soo socda;

1. Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada magaalo.

2. In Maareynta qashinta laga taageero Dawladda Hoose ee Muqdisho maadaama Maamulka Konya ay khinrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tabanaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenadda nadaafadda Dawladda hoose ee Muqdisho.

3. Waxaa si wadajir ah ay labada Dawlad Hoose isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto.

4. In si deg-deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa taaso labada Maamul ku kala tagi doonaan Konya iyo Muqdisho.

5. In Machadka tababaradda Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho dhinaca tababaradda shaqaalaha isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeenada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More