Dowladda iyo Xuutiyiinta Yemen oo isku raacay isdhaafsiga

[Sawirka: Reuters]

Dowlada Yaman iyo kooxda Xuutiyiinta ayaa isku raacay liiska 1,080 maxbuus taasoo noqon doonta isku weydaarsigii ugu balaarnaa ee dhexmara labada dhinac.

Dhinacyada dagaallamaya ee Yemen ayaa isku raacay in la is-dhaafsadaan illaa 1,000 maxaabiis ah, oo ay ku jiraan 19 ka mid ah askarta Sucuudiga, taas oo qayb ahaan lagu hirgelinayo tallaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida ee lagu heshiiyey intii lagu jiray wadahadalladii nabadeed ee lagu qabtay Sweden dhammaadkii 2018.

Ilo wareedyo xog ogaal u ah wadahadalada ayaa sheegay in dowladda Yemen, oo ay taageerayaan isbahaysiga milatariga ee uu hogaamiyo Sacuudiga, iyo kooxda Xuutiyiinta ee Iran la safan ee ku dagaalamayay muddo ka badan shan sano ay ku heshiiyeen liis ay ku jiraan 1,080 maxaabiis ay isdhaafsadaan taas oo noqoto doonta talaabo wayn oo loo qaaday heshiiska Yemen.

Heshiiska isdhaafsiga maxaabiista, oo ujeedkiisu ahaa siideynta ilaa 15,000 oo maxaabiis ah oo labada dhinac ah, ayaa si tartiib tartiib ah oo kaliya qeyb ahaan loo fuliyay. ICRC waxay kormeeri doontaa soo celinta maxaabiista ee qoysaskooda.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen Martin Griffiths iyo sarkaal ka socda Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa lagu wadaa in ay qabtaan warbixin koobanoo  goor dambe oo Axad ah, dhamaadka kulanka usbuuc ee ay yeesheen maxaabiista Yemen iyo guddiga maxaabiista.

“Waxa noo muhiim ah waa fulinta maxaabiista [isweydaarsiga] oo kaliya ma ahan inaan saxeexno,” sarkaal sare oo ka tirsan Xuutiyiinta Mohammed Ali al-Houthi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray subaxnimadii hore oo Axadda maanta.

Yemen ayaa ku jirtay xaalad colaadeed tan iyo markii Xuuthiyiintu ay ka saareen xukumadda uu caalamku aqoonsan yahay caasimada Sanca dabayaaqadii sanadkii 2014, taas oo keentay isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga inay soo fara galiyaan bishii Maarso 2015.

Iskahorimaadka ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, oo badankood dad rayid ah, wuxuuna dhaliyay waxa ay Qaramada Midoobay ugu yeertay dhibaatada bani’aadamnimo ee ugu xun adduunka.

Khilaafka ayaa si weyn looga arkaa gobolka inuu yahay dagaal wakiil oo u dhexeeya kooxaha isku haya Sacuudiga iyo Iiraan. Riyaad waxay biloowday wadahadalo aan rasmi ahayn oo xabad joojin ah oo ay la gasho Xuutiyiinta dabayaaqadii sanadkii hore iyada oo dooneysa inay ka baxdo dagaal qaraara.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More