Daawo: Jawaari oo raali gelin u diray madaxweynaha Jabuuti -…

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyihii hore baaralamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadal ka jeediyey munaasabad maanta lagu sagootinayey safiirkii dalka Jabuuti u joogay Soomaaliya ayaa raali gelin u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa reer Jabuuti.

Aadan Xasan Aadan oo sanadihii lasoo dhaafay madax ka ahaa safaaradda ay dowladda Jubuuti ku leedahay Soomaaliya ayaa maanta laga sagootiyey Muqdisho, maadaama uu dhamaaday mudo xileedkiisii safiirnimo.

Prof. Jawaari oo qeyb ka ahaa madax kasoo qeyb gashay munaasabadii lagu sagootinayey safiirka ayaa dhowr tilmaamood ka bixiyey xiriirka iyo mudnaanta ay Jabuuti siisay Soomaaliya waayihii adkaa.

“Anigoo ku hadlaaya magaca odayaasha Soomaliyeed ee madaxa cad, Madaxweynaha dalka Jabuuti waxaan leenahay aad iyo aad baan galad kuugu heynaa, wax Alla waxii gardarro ah ee aad naga sheeganeyso ka raali ahoow,” ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sanadihii uu hoggaanka Soomaaliya hayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa xumaa xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, waxuuna Farmaajo Jabuuti ka soo dhaweystay Ertirea oo waligeed aheyd cadawga reer Jabuuti, arrintaas waxaa aad uga carooday madaxda iyo shacabka reer Jabuuti.

Guddoomiye ayaa sheegay in dalalka caalamka iskadaa walaalnimee ay isugu hiiliyaan derisnimo, “Jabuuti wax kasta waa noo tahay, waa dhiigeenii, waa deriskeenii, waa dhaqankeenii, waa luuqadeenii, isku mid ayaan nahay, waana dowladda kaliya ee wax kasta noo gashay,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Jabuuti ayuu ku amaanay intii uu joogay Soomaaliya inuu muujiyey shaqo wanaag iyo walaalnimo, isagoo aad ugu mahad celiyey.

“Mar kasta Madaxweyne Ismaaciil waxuu noo soo xulaa, dadka xulka ah ee reer Jabuuti oo safiir uu nooga soo dhigaa, waxaana hadda ka rajeyneynaa in mid adiga oo kale ah inuu noo soo diro, anigu waxaan qorsheynayey in Sabtiga soo socda aan Jabuuti tago oo Madaxweynaha dhaho war inta doorashada aan ku jirno safiir Aadan noo daa hanoo sii joogee, laakiin waxaa la yiri waa sharci hadii waqtigu ka dhamaaday inuu baxo,” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Sidoo kale Jawaari ayaa Danjire Aadan Xasan ka codsaday inuu noqdo safiir u maqan Soomaaliya oo akhbaar wanaagsan uga gudbiya dalkiisii Jabuuti ama dalkii kale ee loo diro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More