DFS oo sheegtay in ay burburisay Gaari Qarax waday & Miino

Ciidamada Miliatirga DFS ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay wadada u dhaxeysa Balcad & Basra ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii gaari dad rayid ah ay la socdeen uu dulmaray miino ku qaraxday. Dadka deegaanka & saraakiil ciidan ayaa Axadle u sheegay in askarta Dowladda Federaalka ay xirtay qaar kamid ah waddooyinka duleedka ka ah Magaalada Balcad inta uu socday howlgalka miino baarista ah oo waxa ay joojiyeen isu socodka dadka iyo gaadiidka dadka beeraleyda…

Golaha Guurtida Gobaladda Waqooyi oo u codeeyay Xeerka

Fadhi maanta Golaha Guurtida Gobaladda Waqooyi ku yeeshay Magaalada Hargeysa waxa uu u codeeyay Xeer guud ee Doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyaasha oo muran ka taagnaa. Xubno katirsan Aqalka Guurtida ayaa dood ka keenay Xeerka Doorashada, balse Guddoonka ayaa ka dalbaday in si duuduub ah loo ansixiyo, maadaama nidaamkaan uu hage u yahay doorashada. 53-Xildhibaan oo fadhiga joogtay waxaa codka Doorashooyinka Gobaladda Waqooyi & Cod-bixiyaasha siiyay 49-kamid ah…

Sidee ayay u socotaa howsha lagu dhaqangelinayo Jadwalka

Dhaq-dhaqaaq iyo diyaargarow sidaas u weyn kama socda magaalooyinka maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo xarun u ah DFS, si loo magacaabo xubnaha Guddiga farsamo ee Doorashada 20/21. 1-dii bishaan Oktoobar, Madxda DFS & Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddi Farsamo oo labada dhinac ah si uu u dhaqangelinayo Jadwalka doorashada 20/21 lagu hagayo. Magacaabista Guddiga ayaa ku taariikheysan inta u dhaxeyso 10-ka bishaan oo ku beegan Sabtida bilawga…

Dib ugu laabashada Trump ee Aqalka Cad oo dood cusub

Trump oo aan xirneen Face Mask ayaa dib ugu laabtay Aqalka Cad Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib ugu laabtay Aqalka cad kadib maalmo kooban oo uu daryeel Caafimaad ku qaatay isbitaal militari oo loo dhigay kadib markii xaaladdiisa laga deeriyay. Trump waxaa laga helay Xannuunka Covid-19, habeen kahor muuqaal kooban oo 4-daqiiqo socday ayuu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, diiradda waxa uu ku saaray caafimaadkiisa oo uu ku tilmamaay in uu wanaagsan yahay kadib 48-saac…

Cuba oo DFS kala hadashay habka loosoo furan karo dhaqaatiir

Wasiirka Arrimaha dibadda Cuba Bruno Rodriguez ayaa xiriir telefoon la sameeyay dhiggiisa Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo ay kawada hadleen habka loosoo furan karo dhaqaatiir u dhalatay dalkaas oo gacanta Al-Shabaab ku jira muddo sanad ka badan. Bruno ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Xukuumadda Soomaaliya uu kala hadlay qaabka loo fududeyn karo soo deynta Assel Herrera & Landy Rodriguez oo ah labada dhaqtar ee Afduubka ku maqan. “Xiriir…

Abaabul dagaal oo ka socda Duleedka Degmada Balcad ee

Ciidamada dowladda federaalka iyo askar katirsan kuwa Daraawiishta DG Hir-Shabeelle ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan saakay kawada deegaanno dhaca duleedka magaalada balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe. Askartaan ayaa shalay fulisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo duleedka ka ah Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa burburinta goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,…

Gobaladda Waqooyi oo labo ruux u xirtay Kiristaameynta Dadka! –

Taliska Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa sheegay in uu xiray labo ruux oo ku eedeysan kiristaameynta dadka ku sugan Magaalada Hargeysa Xarunta maamulkaas, kadib markii xogtooda lagu wargeliyay. Afhayeenka Ciidanka Booliska Gobaladda Waqooyi G/sare Faysal Xiis Cilmi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono labadaan ruux ee ka baxday Diinta Islaamka, isla markaana faafinaya kiristanka. Xiis ayaa sheegay in xeer ilaalinta Gobaladda Waqooyi lagu…

Ciidanka DFS & Al-Shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Shabeelah

Ciidamada Militariga DFS iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanno u dhaxeeya Balcad iyo Basra Gobolka Shabeelaha Dhexe oo katirsan DG Hir-Shabeelle. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo katirsan Militariga DFS Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyeen deegaanno la sheegay in ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Iska hor imaadka ayaa ka dhacay duulooyin hoostaga Deegaanka Basra sida Axadle ay u xaqiiyeen ilo xog ogaal ah, waxaana ka dhashay khasaare badi gaaray dhinacyada dagaalamay.…

Al-Shabaab oo sheegtay in Gaari Dagaal ay ka gubtay Ciidanka

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar Jidgal ah ay ku qaaday kolonyo gaadiid dagaal ah oo ay wateen Ciidamada Dowladda Federaalka, isla markaana mararay wadada isku xirta Basra & Balcad. Kolonyada Ciidamada ayaa mareysay inta u dhaxeysa Basra & Balcad, waxaana Al-Shabaab sheegatay in ay gubtay mid kamid ah Gawaarida ciidanka gaar ahaan nuuca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha. Dhimasho & Dhaawac oo aysan tiro rasmi ah sheegin Xarakadu ayay sheegtay in weerarkooda ku…

Maxkamad qaadeysa dacwad ka dhan Rag loo heysto weerarkii

Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya waxaa maanta la horgeynayaa Saddex ruux oo loo heysto ku lug lahaanta weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Suuqa Westgate Mall sanadkii 2013-kii. Saddexdaan ruux Waxa ay ku eedeysan yihiin caawinta kooxdii weerarka ku gashay Suuqa 21-kii September oo ka dhex dagaalameysay ilaa 24-kii bishaas gudaha Dhismaha Westgate mall. Khasaaraha ka dhashay weerarkaas waa dhimashada ugu yaraan 67-ruux oo ah dadkii suuqa u dukaameysi tagay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More