Sida ku cad qodobka 14-aad ee heshiiska Madaxdweyne Farmaajo iyo Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada hoostaga DFS, waxaa shuruudo la hordhigay Musharaxa Xildhibaanka Aqalka Shacabka & Senatarka Aqalka Sare BFS. Hogaamiyayaasha heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa ku heshiiyay qodobo waqti dheer ay dood ka yeesheen, isla markaana inta shirka uu socday mas’uulba mar uu laga diiwaangeliyay aragtidiisa oo ugu dambeyn laga soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen. Shuruudaha…
Ciidanka Haramcad oo howlgal kusoo qabtay xubno katirsan
Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad oo Saldhig ku leh Magaalada Dhuusamareeb ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Galgaduud sida saraakiisha Ciidanku sheegeen. Howlgalka waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaannada Ceel Garas iyo God-Dhurwaa, Ciidanka Haramcad ayaa gacanta kusoo dhigay xubno katirsan Al-Shabaab oo ahaa bartilmaameedka howlgalkooda. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Gaarka u tababaran Cabdixamiid Cabdullaahi Maxamed (Fanax) ayaa howlgalka…
