Hogaamiyaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle guushii uu ka soo hooyay doorashadii madaxtinimada ee dhacday 9-kii Abriil, 2021-kii.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyey guushii Hogaamiyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo helay 98.58% codadkii aftida.
“Waxaan ugu hambalyeynayaa madaxweynaha dalkeena aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle dib u doorashadiisa, waa guul sii xoojinaysa…