Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay qabteen lacag sharci daro ah
Ciidamada Booliska ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa qabtay lacag ka timid diyaarad laga leeyahay dalka Kenya, sida uu sheegay taliyaha booliska Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Hijar ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay hada wadaan baaritaano ku aadan lacagtaasi iyo halka ay ku baxeyso
“Saaka abaare 09:00 AM, ayaa Ciidanka Saldhiga Boliiska Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ay gacanta ku soo dhigeen cadad lacag ah oo Dollar ah, taas oo ay…