Itoobiya: Masar iyo Suudaan ayaa xanibay wadahadaladii biyaha wabiga
Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar iyo Suudaan inay carqaladeeyeen wadahadaladii la doonayay in lagu xaliyo khilaafka webiga Niil.
Wadahadaladii ugu dambeeyay ayaa ku fashilmay eedeymo midba midka kale u jeedinayay waxaana wadahadalada lagu qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in wadahadalka uu fashilmay kadib markii Masar iyo Suudaan ay ku dhegeen arrimo muran dhaliyay oo ku saabsan saamiga biyaha Niilka.…