Hay’adda SODMA oo digniin culus kasoo saartay roobab xoogan oo dalka ka da’i doona Isbuucaan gudahiisa
Talaado, April, 23, 2024 (AX) - Iyadoo roobabka Guga ay ka curteen inta badan gobolada dalka ayaa hadana, hay'adda maareynta iyo musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA waxay soo saartay digniino ku aadan roobab xoogan oo dhamaadka bishaan ka da'aya gobolada dalka.
Hay'adda ayaa tilmaamtay in roobabka la filayo todobaadkaan iney ka da'aan gobolada dalka iney sameyn karaan daadad iyo fatahaado saameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyadaba.
SODMA ayaa si gaar ah ugu digtay dadka ku nool agagaarka wabiyada…