Qiimeynta Ciyaaryahanadda Kulankii Ay Arsenal Garaacday Man
Manchester United waxay ku jirtaa xilli ciyaareedkan jawi qasan, maalmo ka hor waxay Old Trafford ku xaaqeen kooxda hogaamineysa horyaalka Bundesliga, haatana waxaa gurigooda ku soo gaartay guuldaradii seddexaad ee afar kulan oo ay Old Trafford ku ciyaareen.Waxaa si xun u fashilantay shax ciyaareedka dheemanka khadka dhexe ee Solskjaer uu kaga badiyay RB Leipzig bartamihii isbuucii hore iyadoo Arsenal ay ka faa’ideysatay shax ciyaareedkaas islamarkaana 14 sannadood ka dib ay Old Trafford ku badisay kulan horyaalka…