Real Madrid Oo Lagu Xasuuqay Mestalla Stadium, Seddex
Real Madrid ayaa lagu xasuuqay garoonka Mestalla Stadium ka dib guuldarro 4-1 ah oo ka soo gaartay Valencia iyadoo looga badiyay seddex rigoore iyo gool ay iska dhaliyeen xilli ay iyagu ku hormareen goolka.Kulankaan ayaa laga diiwaangeliyay taariikh iyadoo markii ugu horeysay abid Real Madrid laga dhigay seddex rigoore hal kulan gudahiis, halka xiddiga Valencia Carlos Soler uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee seddex rigoore ka dhaliya hal kulan oo La Liga ah qarnigaan 21aad.Natiijadaan ayaa kalsooni weyn siineysa kooxda…