Xiddigii Arsenal Oo Magaciisa Magac Shiinees Loogu Bedelay,

Marka ugu horeysay ma jiro ciyaaryahan magaciisa la yiraahdo Nico Yennaris laakiin waxaa jira xiddig loo yaqaano wixii hadda ka danbeeya Li Ke.Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxaha Arsenal iyo Brentford ayaa iska bedelay magaciisa ka dib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay abid ee u dheela xulka Shiinaha ee qaatay dhalashada wadankaas.Wuxuu iska celiyay baasaboorkiisa British-ka ah maadaama Shiinaha aysan ogoleen in shaqsi uu labo dhalasho heysta isagoo haatan xulka Shiinaha u saftay shan kulan.27 jirkaan ayaa u…

Muxuu Sameeyay Willian Todobaadkan Oo Keeni Karta In Arsenal

Arsenal ayaa baareysa sababta ka danbeysa go’aanka uu Willian ugu safray magaalada Dubai intii lagu jiray kulamada heerka caalami, iyadoo xiddiga khadka dhexe uu haatan ku qasban yahay inuu keeno natiijada baaritaanka Korona Fayras ka hor inta uusan ku soo laabanin tababarka.32 jirkaan loogama yeerin xulka Brazil, wuxuunta taas bedelkeeda waqti ku qaatay Dubai inkastoo UK ay gashay waji adag oo ah xakameynta faafifda Korona Fayras iyadoo dadka looga digay inay safaro dibada ah aadaan haddii aysan aheyn lagama maarmaan.Sida…

Brazil Oo U Dabaaldegtay Xasuuqii Ay Spain U Geysatay Xulka

8dii bishii July sannadkii 2014, Brazil iyo Jarmalka ayaa ku kulmay semi-finalka Koobka Adduunka. Brazil oo uu ka maqnaa Neymar ayaa gurigooda kula ciyaarayay mid ka mid ah xulalkii loo saadaalinayay guusha Koobka Adduunka.Saadaasha waxay aheyd in kulan la isku dhow yahay la ciyaari doono, laakiin kulanka ayaa isku bedelay mid qarow ku riday malaayiin dad ah oo ku nool dalka ku waalan kubada cagta.30kii daqiiqo ee ugu horeysay ee ciyaarta, Brazil waxaa lagu hogaaminayay shgan gool. Natiijada kama danbeysta ah waxay noqotay…

Spain Oo LIX Gool Ku Xasuuqday Jarmalka, Torres Oo

Spain ayaa xaqiijisatay booskeeda ciyaaraha kama danbeysta ee UEFA Nations League ka dib markii ay caawa 6-0 ku xasuuqeen xulka Jarmalka oo marti ku ahaa magaalada Seville.Alvaro Morata ayaa hogaanka u dhiibay xulka martida loo ahaa ka dib markii uu madax ku dhaliyay koorno la soo qaaday daqiiqadii 17aad ka hor inta uusan Ferran Torres dhalinin goolka labaad isagoo shabaqa ku celiyay kubad madax aheyd oo uu Dani Olmo birta ku garaacay.Kubad madax kale ah oo markaan ka timid Rodri ayay Spain ciyaarta uga dhigeen 3-0 qeybtii…

Neymar Oo Sideed Bilood Xiriir Jaceyl Oo Qarsoodi Ah La

Wararka ka imaanaya Brazil ayaa sheegaya in Neymar uu xiriir furan la leeyahay gabadha fanaanada ah Gabily.Xiddiga Paris Saint-Germain ayaa la haasaawayay fanaanada 25 sanno jirka ah muddo sideed bilood ah sida ay sheegtay warbaahinta Brazil ee Extra.Waxaa la sheegay in Neymar uu markii ugu horeysay Gabily oo magaceeda runta ah uu yahay Gabriel Batista uu kala xiriiraya Instagram ka hor inta uusan bilaabanin Korona Fayras.Lamaanahaan ayaa la sheegayaa inay dhowr jeer kulmeen inkastoo socodkooda uu xadiday cudurka saameeyay…

Waqtiga Xamaasada Daawashada Premier League Ay Soo Noqoneyso

Taageerayaasha kubada cagta ayaa dib loogu ogolaan doonaa garoomada bisha soo socota sida ay sheegayaan warbaahinta Ingariiska.Kooxaha Premier League iyo Football League ayaa dib ugu soo dhaweyn doona taageerayaasha garoomada sida lagu ogaaday qorshe ay wado dowlada Ingariiska, sida ay sheegtay Daily Mail.Wasaaraha Dhaqanka, Warbaahinta iyo Isboortiga ayaa la sheegay inay gudbisay hindisaha taageerayaasha loogu ogolaanayo garoomada gaar ahaan magaalooyinka uu ku yar yahay cudurka Korona Faryas taasoo noqoneysa markii ugu…

Robot Calanwade Ka Noqonaya Koobka Adduunka & FIFA Oo Ku

Qorshe la doonayo in mashiino robot ah laga dhigo caawiyayaasha garsooraha ee Koobka Adduubka ee 2022 ayaa horumar laga sameeyay ka dib markii FIFA ay weydiisatay shirkadaha Teknooloojiyada inay cadeeyaan inay nashqadeyn karaan barnaamij shaqeyn kara.Madaxa FIFA ayaa ka shaqeyneysay hindisahaan muddo sannad ah.Ururka kubada cagta Adduunka ayaa xitaa tijaabooyin daaha gadaashiisa ah sameeyay koobkii Club World Cup ee lagu qabtay Qatar kuna guuleysatay Liverpool sannadkii la soo dhaafay.Haatan ururada FIFA kala shaqeeya dhanka…

Mesut Ozil, Cristiano Ronaldo & SHAN Xiddig Oo Ay Man United

Manchester United ayaa la filayaa inay lacag badan ku qarashgareyso suuqa kala iibsiga bisha Janaayo iyagoo diirada ku haya xiddigo waa weyn oo wax weyn ka bedeli kara kooxdooda.Red Devils ayaa la soo saxiixay Bruno Fernandes bishii Janaayo ee sannadkan, waxayna doonayaa inay xiddigo isaga ku tayo ah soo xerogeliyaan bisha Janaayo ee soo socota.Jariirada The Sun ayaa qortay shan xiddig oo ay Manchester United la soo wareegi karto bisha Janaayo.Xiddiga ugu horeeya ee Man United diirada u saaran waa daafaca dhexe ee kooxda RB…

ILMO KALE MA RABO! Xaaska Xiddig Weyn Oo U Dheela Chelsea Oo

Xaaska xiddiga Chelsea Thiago Silva ayaa qiratay inay isku dayayso inay ka dhaadhiciso isaga inuu maro qaliin uu isaga dhigaya madhalays.Isabelle da Silva oo labo caruur ah dhashay ayaa diiday inay iyadu marto qaliin minka looga xirayo si aysan caruur kale u dhalin madaama qoyskeeda ay hido u leeyihiin naaxida iyo cayilka.Waxay u sheegtay taageerayaasheeda Instagram inuu ka shaqeyneyso sidii ay uga dhaadhicin laheyd xiddiga Chelsea Silva oo 36 sanno jir ah inuu madhalays iska dhigo oo uu maro qaliin xubinta tarankiisa…

Brazil Oo War Rasmi Ah Ka Soo Saartay Xaalada Xiddiga Man

Xulka qaranka Brazil ayaa war cusub kasoo saaray xaalada daafacooda bidix iyo kooxda Manchester United ee Alex Telles kaas oo ay warar dhawaan soo baxay sheegayeen in markale laga helay xanuunka saf-marka ah ee Korona Fayras. Haatan xulka Brazil ayaa shaaca ka qaaday in baadhitaankii ugu dambeeyay xanuunka gabi ahaanba lagaga waayay Alex Telles waana war farxad u ah kooxdiisa oo uu dhawaan ka dhaawacmay Luke Shaw oo ay booska daafaca bidix wadaagaan. Telles ayaa hadda diyaar u noqon doona kulanka isreeb-reebka tartanka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More