Xiddigaha Arsenal David Luiz Iyo Dani Ceballos Oo Feer Isla
Wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in daafaca dhexe ee Arsenal David Luiz iyo xiddiga khadka dhexe Dani Ceballos inay gacanta iskula tageen xilli ay joogeen garoonka tababarka maalintii Jimcaha.Labada xiddig ayaa is feeray iyadoo David Luiz uu feer sanka kaga dhuftay xiddiga reer Spain Dani Ceballos taasoo keentay in dhiig uu ka soo daato.The Athletic ma aysan sheegin sababta dhalisay dagaalka labada xiddig laakiin ciyaartoydaan oo aan aadin xulalkooda ayaa ka qeyb qaadanayay kulan ay ku ciyaarayeen garoonka tababarka…