Cali Guudlaawe oo noqday Madaxweynihii Saddexaad ee DG
Magaalada Jowhar waxaa maanta ka dhacday doorasho in badan lasii saadaaliyay, waxaana ku xilka madaxweynaha DG Hir-Shabeelle u tartamay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe & Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan.
99-Xildhibaan oo fadhiga xaadirtay ayaa codeysay, tiring kadib, Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabelle Cabdirakiin Luqmaan Maxamed.
Cali Guudlaawe Xuseen ayaa helay 86-Cod, halka Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay 13-Cod, isu geyn dhammaan codadkaas waa (99), mana jirin cod halaabay sida uu sheegay Guddiga Doorashada.
Hogaamiyaha Cusub ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo 4-tii sano lasoo dhaafay ahaa Hogaamiye ku xigeen maamulkaas ayaa sii joogaya 4-sano oo kale oo maanta loo doortay.
Xildhibaanno, Senataro, Wasiiro katirsan XFS, Odoyaasha soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka labaad & mas’uuliyiin kala duwan ayaa goobjoog ka ahayd doorashada:
Xubnaha katirsan Baarlamaanka Federaalka waxaa kamid ah:
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur
Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye.
Xildhibaan Dahabo Suusow.
Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow.
Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim
Senator Cisman Maxamuud Dufle.
Haddaba, Cali Guudlaawe muxuu Ka badali karaa Xaaladda Hir-Shabeelle?
Axadle