Barcelona Oo Markeeda Maxkamad La Tiigsanaysa Xiddiga Reer
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maxkamadda ka dacwaynaysa xiddiga reer Brazil ee Neymar oo ay ka doonayso inuu dib ugu soo celiyo lacag dhan 10 milyan oo Euro oo hore loo siiyey.
Kooxda reer Spain ayaa ku doodaysa in sannadkii 2015kii, xilligii uu laacibkan ku socday kiiska baadhitaankii lunsiga cashuuraha inay siiyeen lacago ka badan intii uu xaqa ugu lahaa, si ay uga daboolaan in wax lagu helo, laakiin ay hadda ka doonayaan inuu dib ugu soo celiyo lacagtaas.
Warkan oo uu qoray wargeyska El Mundo ee kasoo baxa gobolka Catalonia ayaa tilmaamay, in hay’adda cashuuraha Spain ay ku andacootay in xiddigan reer Brazil lagu qaniyeeyey lacag aanu xaq u lahayn, iyadoo Barcelona ay siinaysay lacago badan.
Barcelona ayaa sharci-yaqaannadeedu diyaarinayaan dacwad nuxurkeedu yahay in lacag ka badan intii uu ku lahaa kooxda la siiyey.
Laakiin waaxda cashuuraha ayaa waxay arrintan ku sheegtay in haddii si degdeg ah xal looga gaadhi waayo, waxay u tixgelin doonto ‘deeq/kaalmo’ ay Barcelona siisay Neymar.
Barcelona ma sheegin haddii ay ku ballameen Neymar inuu usoo celiyo lacagtan iyo haddii kaliya ay ku dambabasaysay dembiyo uu lugaha kula jiray, hase yeeshee, waxa war cad laga sugayaa in qareennadu ay caddeeyaan dariiqa ay marka horeba kooxdu u martay inay laacibkan lacagtan siiyaan, xilli uu mushahar xad-dhaaf ah ka qaadan jiray.
Neymar ayaa la sheegay in waqtigan ay dawladda Spain ku leedahay lacago badan, sida bishii September ee sannadkan la shaaciyey, waxaana laga doonayaa lacag dhan 34.6 milyan oo Gini.